XOG: XASAN SHEEKH oo la filayo inuu ka baaqdo SAFAR uu ku aadi lahaa….

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Madxaweyne Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan uu soo gabagabeeyay Xulista Ra’isulwasaaraha Cusub, islmarkaana uu diyaariyay Ra’isul wasaaraha bedeli doono C/weli Sheekh Axmed oo ku gacanseeray kalsoonida BF Somalia.

Ilo-wareedka ayaa sidoo kale sheegay inay suurtagal tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka nagaado safar uu maalinta Bari oo Jumca ah ugu ambabixi lahaa dalka Masar sababo la xiriiro soo magacaabista Ra’isulwasaaraha oo la filayo in ugu dambayn Sabtida uu ku dhawaaqo.

Safarka uu Xassan ku aadi lahaa Dalka Masar ayaa waxa uu Ujeedkiisu ahaa Casuumaad uu ka helay Madxaweynah dalkaasi Masar C/fitaax Al-sisi.

Dhanka kale, Masar ayaa waxa uu xiriir qoto dheer kala dhexeeya Somalia tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Somalia oo uu Hogaamin jiray Maxamed Siyaad Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com