Golaha amaanka oo xil ka qaadistii C/W kasoo saaray war Xasan aan ka farxin

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ayaa waxaa hoosta looga xariiqay muhiimada ay leedahay hoggaan siyaadadeed oo mideysan iyadoo golahu uu walaac ka muujiyay saameynta ay xiisadaha siyaasadeed ay ku yeelan karaan horumarka laga garaay nabada iyo deganaanshaha Somaaliya.

Xubnaha Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay gelinkii dambe kulan ku yeeshay magaalada New York ayaa shaaca ka qaaday in codka kalsoonida ee dhowaan baarlamaanka Soomaaliya uu kala noqday reysul wasaarihii hore Cabdiweli Sheekh Axmed xilli ay soo cusboonaadeen xasilooni darro siyaasadeed iyo rabshadaha ay kooxaha xagjirka ka wadaan wadamada bariga Afrika.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codka kalsoonida kala laabtay reysul wasaarihii hore Cabdiweli, lixdii bishan December kadib markii uu khilaaf uu soo gala dhex galay isaga iyo madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warka kaso baxay Golaha ammaanka, ayaa muujinaya farriin cad oo ku socota madaxweynaha Soomaaliya, kuna saabsan sida aysan ugu faraxsaneyn ra’iisul wasaarayaasha tirada badan ee la isku bed bedalayo.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku celceliyay taageerada ay u hayaan hergelinta qorshaha hiigsiga cusub ee sanadka 2016-ka, sidaa daraadeed ayaa goluhu wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay muhiimka u tahay in madaxweynaha Soomaaliya uu sida ugu dhaqsiyaha badan u soo magacaabo reysul wasaare cusub.

Warsaxafadeed ay soo saareen 15 Xubnood ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa loogu yeeray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in si deg deg ah uu u soo magacabo Ra’iisul Wasaare Cusub,kaas oo soo dhisi doono Xukuumad cusub oo nidaamsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com