Amisom oo leysay shacab & nabadoon

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Degmada Marko ee Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in halkaasi ay Ciidamada AMISOM ku dileen dad shacab ah.

Wararku waxa ay sheegayan in dadka la laayay uu kamid ahaa Nabadoon Caan ka ahaa Degmada Marko.

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada DF Somalia ee Marko, ayaa sheegay in dilka kadib ay goobta gaaren islamarkaana ay halkaasi ugu tageen Meydka ilaa Saddex Ruux oo uu ku jiro Oday Nabadoon ahaa, sida uu Sargaalka hadalka u dhigay.

Sargaalka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in Xogtu ay ku heleen in dadka la dilay ay Ciidamada AMISOM kasoo aruuriyeen Xaafadaha, kadibna ay dileen.

Isaga oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Dadka AMISOM Xaafadaha ayey ka soo Kaxaysteen Ujeedka magaraneyno,balse waxan sameyn doonaa baaritaano ku saleysan dilkaasi”

Dhanka kale, Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Cambaareeyay dilka loo geystay dadkii shacabka ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com