Maxkamad amartay in lasoo xiro wasiiro iyo agaasimeyaal xilal kasoo qabtay Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Kadib olole kacdoon shacab ah oo ka billowday baraha bulshada bilihii ugu dambeeyey laguna dalbanayey in maamulka Puntland ay wax ka qabato shaqsiyaadka billaabay ka ganacsiga iyo dhoofinta geed quwaaxa ee loo dhoofiyo wadamada Imaaraadka iyo Shiinaha ayaa wuxuu keenay in maamulka Puntland bilaabo olole lagu soo qabanayo dadkii arrintaas ku lugta lahaa.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan qorshaha lagu dhoofinayo geedahaas.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Aw-cismaan ayaa waaran u jaray Maanta mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland iyo kuwa hadda xil haya oo ku eedeysan dhoofinta dhirta iyo geedaha.

Mas’uuliyiinta arrintaan ku lug yeeshay ee waaranka loo jaray ayaa waxaa kamid wasiiro, agaasimayaal iyo dad shacab ah inkastoo aysan weli dowladda qaadin tallaabo lagu soo qabanayo dadka waaranka loo jaray.

Magacyada mas’uuliyiinta maxkamadda looga yeeray ayaa waxaa kamid ah:

1- Cabdisamad Maxamuud Maxamed Muuse, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsciga Puntland.
2- Liibaan Maxamed Faarax Barre, agaasime ka tirsan wasaaradda deegaanka
3- Cabdiraxmaan Salaad Showle
4- Naciimo Jaamac Cumar Jaqaloon
5- Cabdinaasir Abshir Gaayir

Sidoo kale, laba wasiir oo kamid ah mas’uuliyiinta waaranka loo jaray oo aan la magacaabin ayaa waxaa la sheegay in loo mari doono sharciga si xasaanadda looga qaado una fududaato in maxkamadda la keeno.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay dib kasoo gudbin doonto waqtiga loo fadhiisanayo dacwadda, waxayna amar ku bixisay in si deg deg ah loo keeno maxkamadda dadka lasoo eedeeyey.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay si weyn u socotay maalmahaan dhoofinta dhirta iyo geedka quwaaxa, waxaana meelaha sida weyn looga dhoofinayo kamid ah Burtinle, Eyl iyo meelo kale