Sawirro: Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo kulmay iskuna raacay maalinta xil-wareejinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.