Maxkamad Turkish ah oo amartay in lasoo xiro laba mas’uul oo Sacuudiyaan ah

Istanbul (Caasimadda Online) – Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo laba mas’uul oo ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga aadna ugu dhow dhaxal sugaha dalkaasi Mohamed Bin Salman.

Xeer ilaalinta guud ee Turkiga ayaa labadan mas’uul iyo koox ka kooban 18 qof oo Turkiga u tegay dilka Saxafigii Jamal Kashoqgi ku soo eedeeyay inay qorsheeyeen oo ay fuliyeen dil iyo ciqaab aad u culus oo lagu sameeyay weriyahaasi xilli uu ku sugnaa gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Labada mas’uul ee Turkigu dalbaday in lasoo xiro, loona soo gacan geliyo ayaa kala ah; ku xigeenka madaxa Sirdoonka Sacuudiga Axmed Alcasiiri iyo Xoghayaha Dhaxal-sugaha dalkaasi Sacuud Alqaxdani oo ku eedeeyay abaabulka dilka saxafiga Jamal Kashoqgi.

Turkiga ayaa doonaya in labadan mas’uul iyo 18 kale oo fulisay dilka saxafiga lagu maxkamadeeyo Turkiga oo denbiga ka dhacay, laakiin dowladda Sacuudiga ayaa diiday inuu Turkiga u gacan geliyo eedeysanayaasha.

Dalabka Turkiga ayaa loo gudbin doonaa Sacuudiga, iyadoo Booliska Adduunka ee Interpol laga dalban doono in meeshii lagu arko lagu soo qabto mas’uuliyiintan, waxaana Turkiga uu sheegay in Sacuudiga aanu wax gacan ah siineynin baaritaanka ay wadaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com