Maxkamada sare ee dalka oo qabatay dacwad ka dhan ah Waare iyo Guudlaawe

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiiro ka tirsanaa golihii wasiirada Hirshabeelle ayaa cadeeyay in dacwad ka dhan ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ay u gacan geliyeen maxkamadda sare ee dalka.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa socday diyaarinta Dacwadaasi oo ay wadeen wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle, kuwaasi oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay, waxaana hadda ay sheegeen in maxkamadda sare ee dalka ay aqbashay qabashada dacwadaasi.

Wasiirkii hore ee Xanaanada Xoolaha Hirshabeelle Dr Xuseen Cismaan Cilmi oo kamid ah wasiirada mushaaraadkooda ka maqan yahay ku dhawaad 15 bilood ayaa sheegay inay xaq u leeyihiin inay mushaarkooda raadsanadaan, maadaama si qaldan loo maareeyay dhaqaalaha horey loogu qorsheeyay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay dacwadaasi ka gudbiyeen masuuliyiinta ugu sareyso madaxtooyada oo kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Cali Guudlaawe Xuseen.

“Madaxtooyada ayay quseysaa, madaxtooyadana Waare iyo Guudlaawe ayaa ka shaqeeya, dacwadaasina waan gudbinay, waxaana u dacwooneynaa waa Xuquuqda Mushaarkeena, wasiir kastaa 2000, ayuu leeyahay, wasiir ku xigeenka iyo wasiiru dowlaha waxay xaq u lahaayeen 1500, muddo 15 bil ayuuna xaqa naga maqan yahay”

“11 Wasiir ayaa hadda xaqooda raadsanaya, waan ka badneyn laakiin kuwa kale waxyaabo kale ayay xiirinayaan, mana ahan wax isku xiran, qofna xuquuqdiisa wuu ka tanaasuli karaa, qofna wuu raadsan karaa, anagana waan raadsaneynaa xaqeena oo si qaldan loo maamulay”ayuu yiri Wasiirkii hore xanaanada Xoolaha.

Dhaqaalaha ugu badan ee Hirshabeelle kasoo gala Deegaanada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo lacagta dowladda u qorsheyso maamulka waxaa la tuhmayaa inay kala qeyb sadaan Waare, Guudlaawe iyo Sheikh Cismaan Barre oo ah guddoomiyaha baarlamaanka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxda ugu sareyso maamulka Hirshabeelle oo ay kaga hadlayaan dacwadda laga gudbiyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com