Maxkamadda CIIDAMADA oo dil ku fulisay Cabdiraxman Cali iyo Yaasiin Maxamed

Baydhaba (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa saaka markale xukun dil toogasho ah ka fulisay magaalada Baydhaba ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Toogashada ayaa waxaa lagu fuliyay laba nin oo lagu kala magacaabi jiray Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan, kuwaas oo horay dilal u geystay, waxayna ka kala tirsanaayeen talisyada Booliska iyo Nabad Sugigdda ee magaalada Baydhaba.

Labada nin ayaa waxaa saaka lagu toogtay cara tuurka oo ah waqooyiga magaalada Baydhaba, waxaana goobta ku sugnaa saraakiil ciidan iyo askar ka tirsan ciidanka amniga.

Sidoo kale waxaa fagaaraha toogashada ku sugnaa shacab usoo daawasho tegay oo ay ku jireen ehellada dadka la tooganayay iyo kuwa qasaasta loo fulinayay.

Waa toogashadii labaad oo 24 saac gudaheed ka dhaceysa Baydhaba, waxaana shalay magaaladaan lagu dilay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur.

Xuseen Maxamed Cabdi Nuur ayaa horay u dilay xaaskiisa, waxa ayna Maxkamaddu  ku xukuntay dil toogasho oo ah qasaasta Marxuumaddii uu horay nolosha u dhaafiyay.

Sidoo kale Abaadir Isaaq Nuur ayaa isna waxaa lagu helay dilka askari ka tirsanaa ciidamada Booliska, sida uu sheegtay Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada.

Maalmihii u dmabeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa kordhisay fulinta xukunada dilalka toogashada ah, waxaana ugu dambeeyay qasaastii lagu fuliyay Maxamed Cabdi Nuur Jiirow (Dhakhtar Fanax), Maxamed Cabdulle Abkow Cumar (Biyamaalow), Shariif Maxamed Barqadle Ayaanle (Jeego) oo lagu helay la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Waxaana kasii horreeyay oo isla todobaadkii hore tiirka la geeyay Cabdi Shakuur Axmed iyo Cabdi Jamaal oo ka tirsanaa ciidamada Booliska, kuwaas oo lagu helay inay dilal geysteen.

Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira askar kale oo dilal geysatay iyo xubno ka tirsan Shabaab oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.