Xog: Ciidamadii lagu soo tababaray Eritrea oo kasoo gadooday furimaha dagaalka

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa gadooday ciidankii laga keenay dalka Eritrea ee dowladda Soomaaliya ay geysay degaanka Daarunimca ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo bishii hore lagu soo weeraray dhowr askarina looga dilay.

Ciidankaas oo gaarayey 300 oo askari ayaa maalmo ka hor ka soo baxay degaanka Daarunimca oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal, halkaas oo ku dhawaad hal bil ay ku sugnaayeen.

Ciidanka oo ka soo lugeeyey degaanka Daarunimca ayaa lagu hakiyey degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo lug ay ku yimaadeen, iyagoo aan wadan wax gaadiid ah.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa ciidan kale ka diray Muqdisho, kuwaas oo ciidanka ka soo lugeeyey degaanka Daarunimca uga hor tegay degmada Cadale, waxaana lagu guuleystay in ciidankaas la celiyo, iyadoo aysan dhicin wax gacan ka hadal ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ciidankaas aysan siinin daryeelkii ay u baahnaayeen, sida raashin ku filan, gaadiid iyo sahay kale toona, taas oo ku kaliftay inay ka soo lugeeyaan deegaanadii la geeyey ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan militeriga Soomaaliya, taliska xoogga ayaa doonayey in ciidankaas lagu celiyo xoog iyo xeelad intaba, maadaama ay dhibaatooyin badan geysa karaan, hadii ay soo galaan Muqdisho.

Ciidankii lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa hadda muhiim u ah dagaalka ay dowladdu kula jirto Al-Shabaab, balse warar soo baxaya waxay sheegayaan inay dowladda ku adagtahay inay daryeesho ciidankaas soo qaatay tababarka adag.

Hadda waxaa ciidankii soo gadooday iyo kumanaan askari oo kale la isugu geeyey degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo taliska xoogga dalka uu ka hoggaami doono dagaal Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe meelaha ay ka joogaan, howlgalkaas waxaa la qorsheynayaa in la bilaabo maalmaha soo socda.

Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi ayaa hoggaaminaya howlgalka, Biixi ayaa hadda ku sugan Aadan-yabaal, waxaana howlgalka laga bilaabayaa cirifka waqooyi ee gobolka Sh/Dhexe, iyadoo la qorsheeyey in ciidanka ka baxa Aadan-yabaal ay xoreeyaan deegaanada ay kooxdu ka joogto Sh/Dhexe, Galgaduud iyo Mudug.