Somaliland oo toogasho ku xukuntay maxaabiis ay ku qabatay LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maxkamad saartay tiro maxaabiis ah oo ay ku qabatay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kuwaas oo loo gudbiyay xabsiga Mandheera ee ku yaalla gudaha magaalada Hargeysa.

Ragga kasoo muuqday maxkamadda ayaa gaaraya illaa 9 nin, kuwaas oo lagu soo eedeeyay qodobada 184, 185, 187-aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, kuwaas oo dhammaan ka hadlaya in ay Khiyaano-Qaran sameeyen, cadowna ay lasoo safteen.

Sagaalka nin oo haatan loo gudbiyay xabsiga Mandheera ayaa Somaliland waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, sida ay caddeynayaan dukumintiyo lagu baahiyay Intenet-ka.

Sidoo kale waxa ay Somaliland shaacisay magacyada ragga la xukumay ee lagu qabtay dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay aagga xerada Goojacade ee Laascaanood.

Maxkamadda ayaa xukun dilka ah ee ay ridday u cugsatay Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed, oo ay dhammaan adeegsadaan dowlad gobaleedyada ka jira iyo dowwladda federaalka Soomaaliya, kaas oo xili hore la qoray, isla-markaana illaa haatan lagu dhaqmo.

Tallaabada ay qaaday Somaliland oo uga sii dareysa xiisadda Laascaanood ayaa kusoo aadeyso, ayada oo shalay waxgaradka SSC ay ku eedeeyaan Somaliland in ay dishay maxaabiis ay ku qabatay dagaalkii ka dhacay aagga duleedka magaalada Laascaanood.

Caaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug oo ah afhayeenka Guddida 33-ka ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in si ka baxsan bani’aadanimada ay ula dhaqmeen maxaabiista, kadibna ay si bareer ah u toogteen, sida uu hadalka u dhigay

“Maxaabiistu waa jirta baraha bulshadana waanu lasoo wadaagi doonaa, ragii waxay qabteen oo ay meesha kasoo daynayeen in ay badan koodii laayeena waa la haya” ayuu yiriCaaqil Cabdirisaaq Maxamed Xasan Falaalug.

Si kastaba, Laascaanood ayaa waxaa bil ka badan ka socda dagaallo qaraar oo sababay dhimashada boqolaal qof iyo dhaawac ka badan kun qof oo u badan dad rayid ah.