Somaliland oo 18 qodob kasoo saartay dagaalka Laascaanod

Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maanta war cusub kasoo saartay xiisadda dagaal ee weli ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taas oo u dhexeyso ciidamada milatariga maamulkaasi iyo kuwa dadka deegaanka ee SSC.

Guddigii uu Golaha Wakiilada Somaliland u xil-saareen arrinta Laascaanood ayaa maalmo kadib soo gabagabeeyay xog uruurintooda ku aadan arrinta magaalada Laascaanood..

Qoraal kasoo baxay guddiga oo ka kooban dhowr bog ayaa soo saaray 18 qodob oo la xiriira dagaalka Laascaanood, waxayna ka dalbadeen Golaha inay qaraar kasoo saareen.

Halkan hoose ka aqriso:-

  1. In mar kale laqaato Lana dhaqan galiyo xabad joojin Deg-deg oo bilaa shuruud ah, si looga baaqsado sii socoshada khasaaraha dagaalka.
  1. In dhamaan Golayaasha Qaranka, Waxgaradka, Culimada, Ganacsatada iyo bulshooyinka kala duwani u guntadaan soo afjarista colaadaasi iyo sidii wada hadal midho dhal ah looga gaari lahaa.
  2. In la soo dhaweeyo Cid walba oo ka qayb qaadan karta xal u helista laas-canood, sida bulshada caalamka wadamada jaarka, kuwa gobolka iyo daneeyayaasha kale
  3. In Goluhu ugu baaqo kooxaha hubaysan ee ka soo duulay deegaanada ka

baxsan xuduudka Somaliland ee ka dagaalamaya Laas-Caanood in ay sidaugu dhakhsaha badan uga baxaan.

  1. In Goluhu ku taageero ciidanka Qaranka sugida xuduudaha iyo difaaca Qaranka.
  2. In Goluhu ka qayb qaato taakulada dadkii muwaadiniinta ahaa ee ku

barakacay dagaalka ka socda magaalada laascaanood, isla markaana u soo jeediyo hay’addaha Qaranka iyo kuwa ka shaqeeya Arrimaha bini’aadantinimada in ay gargaar  gaarsiiyaan iyada oo la raacayo hanaanka qorshaysan ee Qaranka.

  1. In Goluhu Dar-dargaliyo wax kasta oo xoojinaya midnimada iyo wada jirkaQaranimada Somaliland.
  2. In Goluhu xukuumada u soo jeediyo in khaladaadkii maamul ee ka dhacay laascaanood ay noqdaan kuwo wax laga barto, si aanay mar danbe inoogu dhicin qaladaad noocan oo kale ah oo hagardaameeya Qaranka.
  1. In, iyada oo la fulinayo heshiisyadadii hore ee la galay iyo baahiyaha guudee yaala, dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka.
  2. In laga fogaado hadalada nacaybka ah ee sii kala fogaynaya qaybahabulshada ee la isku marinayo baraha bulshada (si waafaqsan xeerka ciqaabta guud qodobadiisa 444, 328aad, 221aad iyo 215aad)
  3. In laga heshiiyo muranka doorasho ee hada taagan, si looga baxo khilaafaadka siyaasiga ah.
  4. In xukuumadu shaaciso dadka ay u qabato falalka argagixiso iyo danbiyada abaabulan.
  5. Adkeynta mas’uuliyadda baarlamaanaka si loo xoojiyo dimuqraadiyadda,kor u qaadida, ilaalinta iyo dhiirigelinta ixtiraamka xuquuqda aadanaha, taageero wada hadalka, dhiirigelinta xallinta khilaafaadka gudaha, qaado dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xoojiyo midnimo qaran iyo gorgortan nabadeed oo dhex mara bulshada iyo hogaanka dhaqanka, Wax-garadka Sool iyo Xukumadda Somaliland.
  6. Waxay hoosta ka xariiqaysaa in caqabadaha dhaqan dhaqaale, kororka dhalinyarada iyo isbadelka cimilada ay sababi karaan xasilooni darro bulsho. Hay’addaha ku shaqada lihina ay ka qaataan doorka ka khuseeya.
  7. Waxaa inagu waajib ah ka hortaga faragelinta shisheeye ee khatarta kuah, midnimada, nabadgelyadda, Israacsanaanta dhuleed, Madax- bannaanida iyo dawladnimo Somaliland. Sidaa awgeed waa in goluhu sameeyaa xeerarka lagu ilaalinayo xuduudaha Badda, Berriga iyo Hawadda (si waafaqsan Qodbka 38aad farqadiisa 4aad xarafkiisa “B” ee Dastuurka.
  8. Waxay u soo jeedinayaan bulshada caalamka iyo dalalka dunidu inayaqoonsi buuxa siiyaan soomaliland.
  9. Waxay u soo jeedinaysa Golaha wax ka bedalka iyo kaabista xeerka llaalinta anshaxa iyo nabadgalyada guud iyo xeerka cüdanka booliska, iyo

curinta xeerka ciidanka qaranka iyo xeerka la dagaalanka argagixisada.

  1. In Golaha Guurtidu qaataan Doorkooda nabadaynta iyo xalinta khilaafaadka gudaha.