Maxkamadda ciidamada oo toogasho ku fulisay labo ka tirsanaa AL-SHABAAB

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay horey xukun dil ah ugu ridday maxkamaddu.

Labada nin ee la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Shucayb C/llaahi Maxamed iyo Saadaq Cabdi Jabaar Cumar, kuwaas oo lagu helay ka mid ahaanshiyaha Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay maxkamaddu shaacisay inay ku lug lahaayeen dilal qorsheysan oo siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Maxkamadda ciidamada ayaa sidoo kale sheegtay in Shuceyb iyo Saadaq oo magacyadooda afgarashada uu ahaa Axmed & Qoono ay Al-Shabaab ka tirsanaayeen illaa 2014-kii, iyaga oo lasoo shaqeeyey Horjooge Ilkacase oo isna horey loogu toogtay magaalada Muqdisho.

Fagaaraha lagu toogtay labadaan ruux waxaa ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan maxkamadda iyo ciidamada ammaanka oo xukunka dilka ku fuliyey raggaasi.

Inta badan maxakamadda ciidamada ayaa dilal toogasho ah ku fuliso xubnaha Al-Shabaab ee soo gala gacanta dowladda oo haatan sare u qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxdaasi.

Si kastaba dowlada Soomaaliya ayaa maalmihii dambe kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horey u ridday maxkamadda ciidamada, waxaana muddada uu joogo madaxweyne Xasan Sheekh la toogtay illaa 4 qof oo labo mid ah askar yihiin, kuwaas oo dilal geystay, waxaana ugu dambeeyey dilkii lagu fuliyey Caydiid oo horey u dilay wasiir Cabaas Siraaji.