Sawirro: Muxuu wasiirka difaaca DF kala hadlay dhigiisa iyo taliyaha ciidanka Jabuuti?

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah dalka Jabuuti kula yeeshay Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) iyo Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaas,  Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim.

Wasiir Cabdulqaadir oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil-walaal, garab istaagga iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada.

Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda in labada dal ee walaalaha ah ay si dhow isaga kaashadaan ciribtirka Argagixisada, si nabad, horumar iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan shucuubta Soomaaliyeed iyo guud ahaan tan gobolka.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay si buuxda u garab taaganyihiin halganka shacabka iyo ciidamada Xoogga dalka Soonaaliyeed ay dalka kaga sifeynayaan Al-shabaab.

Wasiirka Difaaca Jabuuti ayaa hoosta ka xarriiqay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.