JUXA oo war cusub ka soo saaray xiisadda PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa markale ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan muranka hareeyey doorashooyinka oo ay isku hayaan Deni iyo ururada kale ee siyaasadda.

Juxa ayaa marka hore beeniyey wararka sheegaya in madaxtooyada ay waddo qorshe muddo kordhin horleh loogu sameynayo Saciid Deni, wuxuuna shaaca ka qaaday in arrintaasi aysan suuragal aheyn, islamarkaana la aadayo doorasho guud oo xalaal ah.

“Ku darsi miyaa jira, Eregayaas waa lasoo celceliyaa, Madaxweynaha wuu ka jawaabay oo waxa uu sheegay in uusan jirin, ku darsi ma jiro oo suuragal ma ahan, waxaa jirto doorasho oo dowladda ay raadineysaa” ayuu yiri Wasiir Juxa.

Sidoo kale waxa uu xusay in dhalinyaro badan uga dhinteen arrinta ku darsashada (muddo kororsiga) taasina ay ka barteen cashar qaraar oo aan habooneyn in dib loogu laabto.

“Arrinta ku darsashada Puntland mar ayaa lasoo maray, saddexdii sano ugu dambeysay markii maandheedka uu dhacay ee ahayd in laga gudbo ee laga gudbi waayay wixii ka dhacay waynu ogeyn, boqolaal wiil ayaa ku dhimatay, cashar qaraar oo lasoo maray weeye, doorasho ayaa jirto, dowladduna taas ayay qaadaneysaa.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ballan-qaaday in ka wasaarad ahaan ay qaadi doonaan mas’uuliyada ah in doorasho ay ka dhacdo Puntland, si shacabka dowlad-goboleedkaas ay u doortaan ururada siyaasada si looga guuro xulashada mudada fog wax lagu soo dooranayay.

Puntland ayaa wajahayso qalalaase ka dhashay doorashooyinka lagu muransan yahay ee tooska ah, waxaana magaalooyinka qaar ka dhacay dibadbaxyo rabashada wata.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse Deni ayaa waxaa heysta culeys aad u xoogan oo uga imaanayo reer Puntland oo ay xittaa ku jiraan madaxdii hore ee maamulkaasi.