Sawirro: SWAN oo warbixin muhiim ah kulankii maanta kula wadaagay Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Kulanka ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha kaga dhageystay warbixin wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyd hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka.

James ayaa sidoo kale waxa uu Xamza la wadaagay howlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, islamarkaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xoreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa uga mahad-celiyay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

James oo dhawaan wareejin doona xilka wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu ra’iisul wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado kala duwan, oo ay ku jiraan dharka hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliya.