Xaaladda Salman Rushdie oo war cusub laga soo saaray kadib weerarkii lagu qaaday

Madrid (Caasimada Online) – Salman Rushdie, oo ah qoraaga buuggii loogu gefay kitaabka qur’aanka, ayaa lumiyey aragga hal il, wuxuuna ka naafoobay oo ka dareen beelay gacan, kadib markii lagu tooreeyey Mareykanka bishii August, waxaa sidaas Axaddii shaaca ka qaaday wakiilkiisa.

Salman Rushdie, oo 75 jir ah, ayaa kadib hanjabaado badan oo loo jeediyey markii uu daabacay buugga “Aayada Shaydaanka”, waxaa dhowr jeer toorey looga dhuftay qoorta iyo caloosha isaga oo ku sugan gobolka New York.  

Rushdie ayaa kadib helicopter loogu qaaday isbitaal u dhow halka uu weerarku ku dhacay, waxaana lagu sameeyey qaliin deg deg ah. 

“Wuxuu lumiyey aragga hal il… saddex dhaawac oo halis ah ayaa qoorta ka gaaray. Hal gacan naafo ayey noqotay oo dareemihii ayaa ka tegay kadib markii neerfayaasha ay go’een. Sidoo kale 15 dhaawac ayaa xabadka iyo caloosha kaga yaal,” waxaa sidaas yiri wakiilkiisa Andrew Wylie, oo la hadlay wargeyska El Pais ee dalka Spain.

Dhaawacyadu waxay ahaayeen kuwa “aad u qoto dheer… wuxuu ahaa weerar aad u xun,” ayuu yiri Wylie.

Andrew Wylie ma bixin wax faah-faahin ah oo intaas dheer kuna saabsan halka uu hadda ku sugan yahay Salman Rushdie iyo haddii uu weli isbitaalka ku sugan yahay.

Qoraaga British-ka ah ayaa sanado badan ku noolaa dhuumasho kadib markii hoggaamiyihii hore ee Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini uu amray in lasoo dilo sababo la xiriira inuu u gefay diinta. 

Hadi Matar, oo ah 24 jir deggan gobolka New Jersey balse qoyskiisa ay asal ahaan kasoo jeedaan dalka Lubnaan, ayaa lagu tuhmayaa oo loo xiray weerarka.

Weerarkan ayaa caro xooggan ka dhaliyey dalalka Reer Galbeedka hase yeeshee waxaa aad looga ammaanay dalal badan oo Islaam ah, gaar ahaan Iran iyo Pakistan.