Wararkii ugu dambeeyay weerar geystay khasaare oo ka dhacay SOMALILAND

Hargeysa (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Somaliland ee ka howl-gala gobolka Sanaag ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhigeen laba Nin oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerar maanta lagu qaaday maqaaxi ku taal degmada Dararweyne ee gobolkaas.

Howl-galo ay sameeyeen ciidamada Booliska kadib weerarkaasi ayaa gacanta loogu soo dhigay labada Nin, ayada oo weli ay baaritaan ku hayaan raga lagu tuhmayo weerarkaas, islamarkaana dhawaan la horgeyn doono maxkamadda gobolka si loo marsiiyo cadaaladda.

“Marnaba ma aqbali doono in weli deegaano kamid ah gobolka Sanaag ay ka jiraan maleeshiyaad hubeysan oo dadka shacabka ah iska dilaya, waxaa ka qaadi doona ttallaabo sharci ah.”

Dableyda weerarka geysatay ayaa saaka beegsatay maqaaxi ku taalla degmada Dararweyne ee gobolka Sanaag oo maamul ahaan hoostagta Somaliland, waxayna rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa goobtaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen labo kale oo shacab ah, sida ay inoo xaqiijiyeen illo deegaanka ah.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaan iyo bartilmaameedka kooxda weerarka fulisay, waxaana weli socda baaritaano arrintaan la xiriira.

Deegaano kamid ah Somaliland ayaa waxaa mararka qaar sidan oo kale ka dhaca weeraro hubeysan, kuwaasi oo qaarkood salka ku hayaan aanooyin Qabiil oo ka taagan gobolada Sool iyo Sanaag.