Daawo: Beesha Ceyr “Dilka Ceydiid waxaa dano gaar ah dhaafsaday Xasan Sheekh”

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha Beesha Ceyr oo uu kasoo jeeday Dable Ceydiid oo Sabtdi loo toogtay xukunka qisaasta ee dilkii wasiir Cabaas Siraaji ayaa ka hadlay sida toogashadu ku timid kadib shan sano oo la sugayey.

Odayaashaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu si gardaro ah u dilay marxuumkaas, sida ay hadalka u dhigeen.

“Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kas ah oo gardaro ah u dilay wiilkaas, iyadoo madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku dhiiran waayey inuu saxiixo, waxaan intaan kiiskaan ku jirnay nooga baxay qarash aad u badan oo magtii ka badan,” ayaa lagu yiri shirka jaraa’id ee odayaasha beesha Ceyr.

Sidoo kale beesha ayaa sheegtay in sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh “u saxiixay” dilka ay tahay dano uga xayiran maamul goboleedka Koonfur Galbeed, oo uu kasoo jeeday Cabaas Siraaji, sida ay warka u dhigeen.

“Dilka wuxuu saxiixay Xasan Sheekh isagoo dano ka leh Koonfur Galbeed, mana uusan baarin kiiskaan, waxaana xusid mudan in madaxweynihii hore ee Farmaajo uu iska dhaafay inuu saxiixo dilkaan maadaama uu arkay inuusan sharci aheyn,” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay.

Shirka jaraa’ida ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qodobo ay beesha sheegtay inay caddeyn u tahay in kiiska dilka wasiir Cabaas Siraaji uu ahaa mid u dhacay qaab kama’ ah, waxayna qodobada ku sheegeen:

  1. Habeenkii uu wasiirka dhimanayey wuxuu gacantiisa ku watay gaari aan aheyn gaarigii lagu yaqaanay oo ahaa gaari nooca raaxada ahaa isagoo ku socday si xawaare ah, wuxuuna ka daba yimid gaari uu watay hanta dhowrihii qaranka.
  2. Waxaa soo kala dhex galay labada gaari kala shaki, waxayna taas keentay is rasaaseyn dhex martay labada baabuur.
  3. Mid kamid ah ilaalada wasiirka ayaa wuxuu maxkamadda horteeda ka sheegay in dhowr jeer ay wasiirka ku yiraahdeen gaari tartiib u wad, waana kala shakinay gaariga naga horreeya
  4. Ma jirin aqoon hore iyo dagaal ka dhaxeeyey Caydiid iyo wasiir Cabaas.
  5. Xeer ilaalinta waxay si cad maxkamadda uga hor sheegtay inuu kiiskaas yahay kiis kama’ ah markii baaris la sameeyey kadib.

Halkaan hoose ka daawo war-saxaafadeedka oo dhameystiran.