Xog: Madaxweyne Xasan oo shir deg-deg ah isugu yeeray madax goboleedyada dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa todobaadkan shir deg-deg ah isugu imaanayo Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladaha haatan soo kordhay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo xaqiijiyey in shirkan uu iclaamiyey madaxweyne Xasan, isla-markaana 27 bishaan uu ka qabsoomayo Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa casuumad u fidiyey shanta hoggaamiye goboleed sida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo lagu wado inay soo gaaraan Muqdisho.

Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday, xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka aaan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in shirka madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka lagu soo qaadi doono arrimo ay ka mid yihiin wada shaqeynta labada dhinac iyo sidoo kale xoojinta howlgallada haatan  ka billowday dalka.

Xogta ayaa intaasi ku sii dareysa in madaxdu ay falanqeyn doonaan arrimaha shidaalka ee ay haatan faraha la gashay dowladda Xasan Sheekh oo dhameystirtay heshiiska shidaalka.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaaadi doonaa gurmadka abaaraha, maadaama ay kasii darayaan xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xafiiska ku soo laabtay 15-kii May ee sanadkan 2022 ayaa kulamo hore la yeeshay madaxda maamul goboleedyada, isagoo kala wada hadlay sii amba qaadida howlaha waa weyn ee horyaalla dowladdiisa cusub iyo sidoo kale wada shaqeynta labada dhinac.