Maxkamadda ciidamada oo xukuntay askari sabab yaab leh u dilay qof shacab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil toogasho ah ku ridday askari ka tirsan ciidamada ammaanka ee degmada Afgooye, kaas oo si bareer ah 25-kii April ee sanadkan u dilay qof shacab ah.

Maxamed Cabduqaadir ayaa ka tirsan ciidamada Booliska Koonfur Gakbeed ee ka howlgala gudaha degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose, isaga oo dilka kadib gacanta lagu soo dhigay, waxaana maxkamadeyntiisa ay soo martay marxalado kala duwan.

Sidoo kale maxkamadda ayaa sheegtay in ugu dambeyn askarigan lagu helay dilka marxuum Cabdifitaax Cabdullaahi Cali, kaas oo u adeegsaday Toorey ama Mindi.

Sababta uu u dilay marxuumka ayaa waxaa maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku sheegtay in ay la xariirto muran ka dhashay Janta Sigaar, taas oo la yaab ku noqdatay dad badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka.

Fadhiga ay yeelatay maxkamadda ciidamada ayaa waxaa ku sugnaa ehelada labada dhinac, saraakiil ciidan iyo sidoo kale dadweyne kale oo goobjooga ahaa sida uu xukunka u dhacay.

Maxkamadda ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyey kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda, iyadoo ridday xukuno kala duwan oo qaarkood dhowaan lagu fuliyey dadkii lagu xukumay.

Si kastaba, ciidamada dowladda ayaa inta badan dilal ugu geysta geysta dadka shacabka magaalooyinka ay ka howlgalaan dalka, dhibaatooyinkaas oo ah kuwa soo noq-noqday.