Muuse Biixi oo sameeyay magacaabis iyo xil ka qaadis

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa xilka looga qaaday Xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland, ayada oo madaxweynaha uu jagadaas u magacaabay Cabdiraxmaan Jaamac.

“Xasan Axmed Aadan, Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud, Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawl-karnimadii aad muujisay mudadii aad haysay xilka,” ayaa lagu yiri wareegtada ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Somaliland oo ahaa Cabdullaahi Cabdiraxmaan Aare, isaga oo xilkaas u magacaabay Aamina Cilmi Fariid Badeed.

Waa xil ka qaadistii ugu horeysay uu sameeyo Madaxweyne Muuse Biixi tan iyo 13-kii November 2022 oo ku beegneyd muddo xileedka rasmiga ah ee Madaxweynaha, sida uu dhigayo Dastuurka Somaliland.

Somaliland ayaa waxaa weli ka taagan muran siyaasadeed la xiriira doorashooyinka iyo xisbiyada, xili Golaha Guurtida ay muddo kordhin laba sano ah u sameeyeen madaxweyne Biixi, taasi oo ay qaadaceen xisbiyada mucaaridka.