Taardhuleed oo weerar culus ku qaaday wasiir Axmed Fiqi iyo JAWAABTA la siiyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Mudane Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo xalay ka qayb-galayey xaflad lagu caleema saarayey golaha deegaanka Dhuusamareeb ayaa weerarka afka ah ku qaaday wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ku sugnaa goobta ay ka socotay munaasabadda.

Taardhuleed ayaa shaaca ka qaaday in wasiir Fiqi ay haatan tabasho ka tirsanayaan reer Galmdudug, gaar ahaan shacabka ku nool magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

“Wasiir Fiqi dadka deegaankan jooga ee reer Galmudug, gaar ahaan dadka degan Dhuusamareeb iyo Guriceel waxay kaa tabanayaan wax jirtay maalintaas door aad ka qaadatay, haddii dadka halkan jooga ay ku yiraahdaan adoo Shabaab kula jira dagaal Shabaab in lala diriraa ma banaana waa dareemi kartaa mas’uuliyadda ku taabaneyso, anigu qof sideedaba qoray sidata ama Shabaab ha ahaato, ama Ahlu Sunna ha ahaato Ama Ictisaam ha ahaato nin qoray sita oo raba inuu xoog wax ku raadiyo dhiigga Ummadda baneysto aniga waa isuku key mid,” ayuu yiri Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed).

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyey inuu ku lug lahaa dagaalkii Gurceel ee u dhexeeyey Ahlu Sunna iyo Galmudug, isaga oo ka dalbaday inuu caddeeyo doorkii uu ku lahaa

“Wasiirka waxaan uga fadhinaa doorkii uu ku lahaa dagaalkii ka dhacay Guriceel inuu meeshaan ka caddeeyo,” ayuu markale yiri Taardhuleed.

Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo madasha ka hadlay ayaa u jawaabay Taardhuleed, wuxuuna sheegay in muddo 4 maalin ah uu joogo Dhuusamareeb, islamarkaana ay usoo gar-dhigan karay qof kasta oo tabasho ah.

“Dad badan ayaa waxa ay igu yaqaanaa nin wax iska celiya, laakiin goob walbaaba hadalkeeda ayey leedahay. Aniga afar beri-baan joogay ninkii gar ii heysta waa ii gar dhigan karay,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.

Fiqi ayaa sidoo kale intaasi sii raaciyey “Gogosha Cabdiraxmaan lagu caleema saarayo ma rabo inaan garta ku galo, aad iyo aad ayaana u mahadsan tihiin,”.

Si kastaba, hadal heyn xoogan ayaa ka dhalatay weerarka tooska ee Taardhuleed uu ku qaaday Fiqi, iyada oo si aad loogu faafiyey baraha bulshada ay ku wada xiriirto Internet-ka.