Daawo Indhacadde: Waligey dagaal kuma guuldareysan ee hogaankiisa noo dhiiba

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa masuuliyiin xalay Dhuusamareeb uga qeyb gashay caleemo saarka golaha deegaanka iyo guddoomiyaha magaalada ayaa ka hadlay dagaalka Al-Shabaab.

Indhacadde ayaa dhaar ku maray in Al-Shabaab aysan qof ka reebeyn Soomaalida ka soo hor jeeda gadii uu joogsado dagaalka ka socda gobollada qaar ee ka dhashay kacdoonka dadka shacabka ah.

Indhacadde ayaa dowladda dhexe ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku adkeeyey in dagaalka ay hoggaamiso oo cid kale aysan ku haleyn xoreynta dalka, isagoo balan qaaday in saraakiisha hoggaamineysa dagaalka uu qeyb ka noqa doono.

“Anagu sida xabadda loo rido waa naqaan iyo sida dagaalka loo qorsheeyo, weligey dagaal aan hoggaaminaayo kuma jebin oo la igama guuleysan, Allaah ayaa ku mahadsan ee dagaalka na geliya, aan cadowga iska dul qaadnee,” ayuu yiri Jeneraal Indhacadde.

Jananka ayaa ka digay in Al-Shabaab la siiyo fursad ay ku nastaan po qorshe dagaal ay ku dejiyaan, maadaama bilihii lasoo dhaafay aad loogu jebiyey furimaha dagaalka, balse hadda uu istaagay dagaalkii ku socday kooxda.

Indhacadde ayaa Madaxweynaha Galmudug ayuu kula taliyey in mudada yar ee uga hartay xil-heyntiisa uu dhaxal suuban iyo xornimo uu uga tago dadkiisa, “Hadii aad u hagar baxdo dadkaagu waa ku adeeci doonaan Madaxweyne insha allah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Indhacadde.

Hoos ka daawo