Maxkamadda ciidamada Puntland oo xukun ku riday wariye ay caddeyn u weysay

Garowe (Caasimadda Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka-sida ee maamul goboleedka Puntland ayaa maanta xukun ku riday wariye Kilwa Aadan Faarax oo muddo u xirnaa laamaha ammaanka maamulkaas.

28-kii December sanadkii hore ayaa wariyaha la xiray, waxaana lagu xakumay saddex bilood oo xarig ah iyadoo maxkamaddu ay sheegtay in la waayay wax caddeynaya dambiyada lagu soo eedeeyay.

Wariyahaan waxaa lagu soo eedeeyay inuu duubay muuqaal ku saabsan sawirka madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo la jeex-jeexayo.

Sida la sheegay xukunkii ay maxkamadda ku riday ee saddexda bilood waxaa kaga haray kaliya saddex maalmood maadaama tirinta maalmaha laga soo bilaabayo maalintii la xiray.

Maxkamadaynta wariyaha waxaa goob joog ka ahaa Maxda Ururka Warbaahinta Puntland, Gudoomiyaha Xuququl Aadanaha Puntland iyo qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl gala Garoowe, waxeyna ka dhacday Xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Dhawaan ayey aheyd markii madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni uu sheegay in wariyaha uu yahay dambiile, isla markaana maxkamadda ay xukun kasoo saari doonto.

Wariyaha wuxuu baahiyay muuqaalka dad ka banaanbaxayay sicir barar ka dhacay Garowe oo ka tirsan gobolka Nugaal.