Maxkamadda G/Banaadir oo xukun adag ku riday Matt Bryden iyo Sahan Research

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqday bilooyin kadib xukunka dacwadii loo haystay Hay’adda Sahan Research iyo agaasimaha guud ee hay’adda ee Matt Bryden.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Cabdikhadar Maxamed Xasan oo xukunkaas warbaahinta ka hor akhriyay ayaa sheegay in xukun xabsi shan sano ah ku riday maxkamaddu Matt Bryden oo hadda ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxay maxkamadda xukun ku riday Ajaaniib kale oo kamid ah aasasayasha hay’adda Sahan Research oo dhamaantood maqanayaal ah, ayaa waxa laamaha dambi baarista lagu faray inay soo qabtan eedeysanayaasha.

“Maxkamadda ayada oo raaceysa habka xeerka ciqaabta Soomaaliyeed waxay eedeysane Matt Bryden ku heshay qoddobada 215 faqrada 1-aad iyo 328 xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay 5 sano oo xariga ah,” ayuu yiri Guddoomye Cabdikhadar Maxamed Xasan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maxkamadda gobolka Banaadir ay wax dambi ah ku weysay eedeysanayaasha Rashiid Cabdi, Kheyre Cabdiraxmaan, Emmanuel Deiser, David Hopkins iyo nin kale oo Ajnabi ah dacwadihii ka dhanka ahaa ee loo haystay.

Eedeymaha u weyn ee loo haystay ayaa waxaa kamid aheyd inay bixiyeen xogta amaanka qaranka iyo mida militeriga Soomaaliya, oo ay ku dabaceen bogga Sahan Research. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay basaasnimo.

Dadkan ajnabiga ah ayaa fadhigoodu yahay Kenya, waxayna wax ka qoraan arrimaha siyaasadda iyo amniga Geeska Africa, oo Soomaaliya kamid tahay, waxaana lagu eedeeyaa inta badan in ay dusiyaan macluumaad xasaasi ah, oo aan warbaahinta loogu tala-galin.

Hay’adda Sahan Research ayaa waxaa shaqadii gudaha dalka laga joojiyey bishii December ee 2018-kii, kadib markii uu maamulka Farmaajo u arkay inay khatar ku tahay amniga iyo dowladnimada dalkeena.

Qoraal December 17, 2018 kasoo baxay wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Hadaba inta laga soo gabagabeynayo baaritaanada socda waxaa la farayaa shirkadda Sahan Research in ay joojiso dhamaan shaqooyinka ay ka hayaan dalka Soomaaliya, isla markaana waxaa lagu wargalinayaa dhamaan dadka ama hay’adaha xiriirka la leh in aanay wax xiriira ama wada shaqayn ah la yeelan karin Sahan Research maadaama ay shirkadani ku kacday oo faraha kula jirto arrimaha kor ku xusan oo dhaawacaya xasiloonida dalka iyo qaranimadda Soomaaliya.”