Daawo: Qoor Qoor oo markii ugu horreysay ka hadlay dagaalka kala dhaxeeya Ahlu-Sunna, kuna dhowaaqay in…

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa goordhoweyd markii u horeysay si rasmi ah uga hadlay dagaalka maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkaas, halka kuwii ku dhaawacmay uu Ilaahay uga baryay caafimaad deg-deg ah, isagoona sheegay in uu aad uga xun yahay barakacinta dadweynaha Guriceel.

Waxa uu sheegay in koox ku been abuuranaysa magaca Diinta Islaamka si ay u fuliso damac shaqsi ah oo uu ula jeedo Ahlu-Sunna ay bilowday dhibaatada ka dhalatay Guriceel, ayna duulaan ku tahay nabada maamulka.

“Waxaa shacab weynaha Galmudug uga tacsiyadeynaya dhibaatadii ka dhacday Guriceel, si gaar ah waxaa uga tacsiyadeynayna shacabka Guriceel duulinkii hubeysna ee ay ku qabsadeen kooxda hubeysan ee Ahlu-Sunna Waljamaaca magaca wanaagsan adeegsata balse aan sidaas ku shaqeynayn,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor-Qoor.

Sidoo kale waxa uu sheegay in mowqifka Galmudug uu marwalba yahay in wax lagu xaliyo wada-hadal, hase yeeshe ay Ahlu-Sunna ka dhago adeygtay arrintaas, ayna qaateen inay qorsheyaan magaalooyin cusub oo xasiloon, sida uu sheegay.

“22 berri ayay fadhiyeen kooxdaas duulanka soo qaaday, intaas waxa u gudbinayna oo ka codsaneynay inay ka baxaan degmada Guriceel oo dadka u daayan xasiloonidooda iyo dowladnimadood, waxay qabaan oo tabasho ahna si nabad ah u sheegtaan, taasi badalkeed waxay qaateen in dhufeysyo iyo xeryo ciidan ay ka dhigtaan Guriceel.”

Waxa uu sheegay in dowladda Galmudug ay ku qasbanaatay inay dagaal ku qaado si ay isku difaacdo, maadama uu sheegay in Ahlu-Sunna ay duulaan ku tahay sharciga iyo dowladnimada Galmudug.

“Waxaa cadeynayna oo ku celinayna mowqifka Galmudug waa in qof kasta oo muwaadin ah oo tabasho qaba inay la fariisato oo laga qanciyo waxkasta oo uu tabanayo. Dowlad Galmudug marnaba ma aqbaleyso in dad iyo deegaan lagu qabsado hub iyo qori caaridii lagu kala gooyo Galmudug.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ku dhawaaqay guddi cusub oo ka kooban xubno golaha wasiirada ah iyo maamulka degmada Guriceel oo loo xil-saaray inay gar-gaar deg deg ah gaarsiiyan dadweynaha reer Guriceel ee ku barakacay dagaalka socda.

“Waxaa ugu baaqeyna dadka reer Galmudug dal iyo dibedba halka ay joogan inay caawiyan walaaladooda dhibaatadu ka soo gaartay kooxdaasi dhibtaada ay gaarsiisay, Sidoo kale dowladda federaalka iyo hay’addaha ugu baaqeyna inay gacan ka geystaan xaalada bini-aadanimo ee ka jirta magaalada Guriceel.”

Hoos ka daawo Qoor Qoor