Tirada dadka illaa hadda ku dhintay dagaalka ka socda GURICEEL oo la shaaciyey

Guriceel (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo la hadlayey wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka warbixiyey inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka xoogan ee weli ka socda gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xasan Yare ayaa shaaca ka qaaday inay ku dhinteen illaa 120 qof, dagaalka haatan u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xasan Yare ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in dagaalka ka socda Guriceel oo galay maalintii 4-aad ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 600 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Ahlu Sunna aysan ka tanaasuli doonin mowqifkeeda, isla-markaana ay dagaallami doonto illaa uu dhinto askarigeeda ugu dambeeyo.

Waxa kale oo uu xusay in weli ay ku sugan yihin gudaha Guriceel, ayna iska caabin doonaan ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ee dagaalka ku qaaday magaaladaas.

Marka la eego tirada dhimashada ee ay shaacisay Ahlu Sunna ayaa aad ugu badan mida ay sheegtay Galmudug oo horay u baahisay in dagaalkaas looga dilay 16 akari, loogana dhaawacay 45 kale, dagaalka culus ee ay haatan kula jirto ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Dhinaca kale dadka ku barakacay dagaalka ka socda Guriceel ayaa gaaraya illaa 100,000 oo qof, sida ay shaacisay QM, kuwaas oo ku dhibaateysan duleedka degmadaasi.

Si kastaba, xaaladda ayaa maanta deggan, inkastoo labada ciidan ay isku horfadhiyaan aaga Jaamacadda oo ku taal dhanka waqooyi magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.