Wasiir ku-xigeenka xanaanada xoolaha oo shaaciyey arrin caqabad leh oo uu wasiirka wasaaradda sameeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud ayaa qoraal uu u diray ra’iisul wasaare Rooble wuxuu shaaca ka qaaday in wasiirka wasaaradda Xuseen Badni uu caqabad ku noqday dhoofka xoolaha Soomaaliya ee la geeyo Sacuudiga.

Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in muddo sannad ku dhow dowladda Sacuudigu ay sugaysay in Soomaaliya ay xiriir fiican kala yeelato xagga xoolaha ugana soo jawaabto warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Saudigu (Vetinary Protocol), balse uu wasiirka diiday inuu jawaabo, taasi oo keentay inuu wasiir ku-xigeenka jawaabo.

Intaas ka dib mudane Raiisal Wasaare sida aad la socotay waxay keentay in arrintaas Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed soo dhex galo oo uu xalkeeda soo gabogabeeyo kuna amray wasiir Xuseen inuu 24 saacadood warqad jawaab ah oo wax lagu hagaajinayo uu diro iyadoo uu ka dhego adaygay wasiirku uuna bedelkeedii qoray warqad xaaladda sii cakiraysa dhibna ku ah ganacsatada xoolaha. Halkaas kuma ay dhamaan ee markii dhibkii sii dheeraaday ayuu Madaxwaynuhu wuxuu amray safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya in uu arrintan xalliyo warqadna uu u qoro Wasaaradda Bii’ada ee Saudiga taas oo lagufurayo dhoofinta xoolaha iyada oo uu safiirku fuliyay amarkaa Madaxwaynaha qaranka meel fiicanna uu soo gaadhsiiyay miiskana ay u saarnayd Sacuudiga in ay fasaxaan xoolaha,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka.

Hoos ka aqriso qoraalka wasiirr ku xigeenka oo dhameystiran.

KU: RAIISAL WASAARAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOMALIA
OG: MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOMALIA
UJ: Hagardaamada Safarkii Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dh & D Ee Saudi Arabia

Mudane Raiisal Wasaare, anigoo ah Wasiir-Ku-Xigeenka Xanaanada Xoolaha Dh & D waxaan halkan ku soo gudbinayaa dhibaato ka timi safarkii uu Wasiir Xuseen Badni ku tagay dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya dhibkaas oo ah in ay sii xayirnaadaan dhoofinta xoolaha Soomaaliyeed ka dib markii muddo la sugayay in nidaamka xoolo u dhoofinta Sacuudiga la furo.

Waxaa jirtay in muddo sannad ku dhow dowladda Saudigu inaga sugaysay in aan xiriir fiican kala yeelano xagga xoolaha ugana soo jawaabno warqad ay soo dirtay Wasaaradda Bii’ada ee Saudigu (Vetinary Protocol) si iyaguna ay inoogu fududeeyaan xayiraad ka qaadidda xoolaheena. Wasiirka wuu ka dhego adaygay inuu uga jawaabo Saudiga taas oo keentay in aan anigu ka jawaabo si dhoofka xooluhu inoogu sii socdo maaadaama ay tahay isha dhaqaale ee ugu wayn ee umadda Soomaaliyeed leedahay. Xiriirka xoolo dhoofinta ee inaga dhexeeya Sacuudiga oo xumaadaa wuxuu sabab u noqonayaa in wadamo kale laga qaato sida Sudan, Georgia, Romania IWM.

Intaas ka dib mudane Raiisal Wasaare sida aad la socotay waxay keentay in arrintaas Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed soo dhex galo oo uu xalkeeda soo gabogabeeyo kuna amray wasiir Xuseen inuu 24 saacadood warqad jawaab ah oo wax lagu hagaajinayo uu diro iyadoo uu ka dhego adaygay wasiirku uuna bedelkeedii qoray warqad xaaladda sii cakiraysa dhibna ku ah ganacsatada xoolaha. Halkaas kuma ay dhamaan ee markii dhibkii sii dheeraaday ayuu Madaxwaynuhu wuxuu amray safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya in uu arrintan xalliyo warqadna uu u qoro Wasaaradda Bii’ada ee Saudiga taas oo lagu

furayo dhoofinta xoolaha iyada oo uu safiirku fuliyay amarkaa Madaxwaynaha qaranka meel fiicanna uu soo gaadhsiiyay miiskana ay u saarnayd Sacuudiga in ay fasaxaan xoolaha.

Waxaa dhib iyo hagardaamo keenay safar aan loo baahnayn oo uu codsanayay in muddo ah wasiir Xuseen, Wasiirka Xanaanada Xoolaha oo uu kula kulmay Wasiirka Bii’ada ee Sacuudi Carabiya. Wasiir Xuseen halkii uu ka shaqayn lahaa furidda xoolaha ةيلاموصلا يشاوملا نع رظحلا عفر waxa uu waxba kama jiraan ka soo qaaday hawlihii ay ka soo shaqeeyeen Madaxwaynaha, Raiisal Wasaaraha iyo safiirkeenii loo igmaday inuu dhameeyo xal u raadinta xayiraadda xoolaha. Wasiirku waxa uu la tagay meesha shuruudo aanay qaadi karin maxjarada Soomaaliya dibna u sii dhigaysa xayiraad ka qaadidda dhoofinta xoolaha.

Waxaa nasiib darro ah in Wasiir Xuseen Badni sida uu soo dhigay bartiisa Twitter ka isagoo jooga xaramka (Kacbada) uu yiraahdo waxaan umadda Ilaahay uga baryayaa horumar iyo barwaaqo joogto ah!. Xaggee bay iska qabanaysaa in safar dheer loo galo hagardaamada umadda Soomaaliyeed iyo in isla dhibkii iyadoo uu wado xaramka uga soo duceeyo. Wasiirku wuxuu dhib wayn ku hayaa ganacsatada xoolaha isagoo ugu hanjabaya maxjarada ayaan idinka xirayaa haddii aydaan si gaar ah ii fahmin taas oo cabsi badan ku beertay mulkiilayaasha maxjarada. Maadaama aan anigu xil wayn aan ka hayo wasaaradda la iguna aaminay in siday wax u jiraan aan muujiyaa waa waajib i saaran. Wasiirka waajibaadkiisa shaqo waa in uu dejiyo siyaasadda lagu hagayo wasaaradda ee maaha in ganacsatada u safar u galo si uu ugu kallifo shuruudo aanay fulin karayn.

Ugu dambayn Mudane Raiisal Wasaare waxaan soo jeedinayaa in arrintan qaran (xayiraad qaadidda) ee inoo ah halbowlaha dhaqaale ee kaliya in xukuumad ahaan xal deg deg ah loo raadiyo iyada oo loo danaynayo shacabka Soomaaliyeed saamayn aan la mahadinna ku yeelanaysa magaalooyinka iyo reer miyiga Soomaaliyeed ee waxa yar ka raadinaya neef ka ay sayladaha xoolaha keenaan.

WABILLAAHI TOWFIIQ
Xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud
Wasiir-Ku-Xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dh & D