Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Guriceel, halka la kala joogo iyo ciidan gaaray

Guriceel (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in maanta xaaladda ay yara dagan tahay, waxaase weli is horfadhiya ciidamada labada dhinac dagaalamaya.

Dadka degmada ku haray qaarkood waxaa ay ku waramayaan in mararka qaar ay maqlayaan rasaas Goos Goos ah oo ay is weeyraadsanayaan labada dhinac oo ku kala sugan goobo isku muuqda.

Labadda dhinac ayaa wali isku horfadhiya Isbitaalka Cubeyd, dabaqa Erkollo ee dhanka Waqooyi Beri magaaladda Guriceel.

Ciidamadda Ahlu-Sunna ayaa difaaca ugu adag uga jira halka loo yaqaano Jaamacadda, halkaas oo ciidamadda dowladda weeraro culus ku qaadeen balse wali aysan ku guuleysan in ay gudaha u galaan, waxay ayna iska caabin kala kulmayeen ciidanka Ahlu-Sunna.

Ciidamada dowladda ayaa maanta ku sugan oo lagu arkayaa saldhigga degmadda, guriga degmada, Beder 1 iyo 2, Quraca Xadiyo Cad ilaa dabaqa Koosow ee dhanka galbeed ee magaalada.

Ma jirto illaa iyo hadda xabad joojin ay gaareen labada dhinac, waxayna haatan ay wadaan is-uruursi iyo abaabul xoogan oo ku aadan dagaalkaasi.

Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaa waxaa u imanaya gurmadyo kala duwan, waxaana mid kasta uu ku dadaalayaa, sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa guud ahaan degmada Guriceel.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah saacadihii la soo dhaafay geysay degmada Guriceel, kuwaas oo dagaal la geli doona Ahlu-Sunna.

Dagaalka Guriceel ayaa sababay dhimashada dad ka badan 120 qof, dhaawac, burbur iyo barakac, waxaana qoysaskii ku noollaa halkaasi ay ku dhibaateysan yihiin duleedka magaaladaasi.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ahlu Sunna Waljamaaca oo lagu magacaabo Xasan Yare ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay  dagaalka ku dhinteen illaa 120 qof, dagaalka haatan u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljamaaca.

Xasan Yare ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in dagaalka ka socda Guriceel oo galay maalintii 4-aad ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 600 oo qof, sida uu hadalka u dhigay.