Sidee sarkaal CIA ah uu uga dambeeyey xil ka-qaadistii taliyihii NISA Gen. Tuuryare?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin dheer oo wargeyska New York Times uu ka qoray howgallada hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in CIA-da ay mas’uul ka aheyd xil ka qaadistii 2015 lagu sameeyey taliyihii hore ee NISA Jeneral Cabdiraxmaan Tuuryare.

Sida warbixinta ay tiri, waxaa sanaddii 2015 ii khilaaf soo kala dhex-galay Jeneraal Tuuryare iyo madaxii saldhigga CIA-da Mareykanka ee Muqdisho, oo aan magaciisa la shaacin.

Sarkaalka CIA-da ayaa ku eedeeyey Tuuryare maamul xumo iyo musuq-maasuq, hase yeeshee Tuuryare ayaa New York Times u sheegay inuu ahaa dhibanaha kibirka iyo isla weynida Mareykanka.

“Waxaan diiday inaan madaxa u raariciyo boqorka is-magacaabay,” ayuu Tuuryare u sheegay New York Times, isaga oo ula jeeda madaxa saldhigga CIA-da ee Muqdisho. 

Muranka ayaa salka ku hayey maamulka iyo cidda ay ka amar qaadanayaan ciidanka Gaashaan ee ka tirsan NISA, balse ay tababaraan CIA-da. CIA-da ayaa si toos ah u maamusha Gaashaan, sida warbixinta lagu sheegay. Gaashaan waa ciidan xul ah oo ka kooban 300.

Muranka Jeneral Tuuryare iyo CIA-da ayaa socday muddo sanad ah, waxaana madaxda wasaaradda arrimaha dibedda Mareykana ay ka codsadeen madaxweyne Xasan Sheekh inuu xilka ka qaado Tuuryare, taasi oo uu diiday.

Si kastaba, kaliya markii sidoo kale uu wasiirkii arrimaha dibedda UK ee xilligaas Philip Hammond uu madaxda Soomaaliya u sheegay in xiriirkooda uu halis ku yahay muranka ku hareereysan Jeneraal Tuuryare, ayaa uga dambeyn taliyihii NISA xilka laga qaaday. 

Hase yeeshee waxaa xusid mudan in xilligii xilka laga qaaday Tuuryare ay aheyd dhammaadkii muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.