Natiijada doorashooyinka Puntland – Yaa ku horeeya?

Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka ee Puntland ayaa maanta shaaciyey natiijada hordhaca ah ee doorashadii shalay ka dhacday degmooyinka Qardho, Eyl iyo Afeyn oo ay dadweynuhu codkooda dhiibteen, si ay u doortaan golayaasha degaanka degmooyinkaasi.

Natiijada hordhaca ah ee la shaaciyey ayaa ah illaa 11 goobood oo ka mid ah xarumihii ay shalay ka dhacday doorashada ee saddexdaas degmo.

Sida ay muujinayo natiijada la shaaciyey waxaa hoggaanka haya Ururka Kaah ee uu hoggaamiyo madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Ururada tartamaya oo gaaray illaa sideed ayaa waxa ay kala heleen:- Ururka Kaah 1687 cod, Ururka Mideeye 1300 cod, Ururka Sincad 1248 cod, Ururka Mustaqbal 192 cod, Ururka Horseed 180 cod, Ururka Runcad 47 cod, Ururka shaqaalaha xoogsatada 13 cod iyo Ururka Ifiye 8 Cod.

Dhanka kale guddiga ayaa weli sugaya qaar ka mid ah sanaadiiqda doorashada ee goobaha kale ee ay ka dhacday doorashada, taas oo ay ku xiran tahay natiijada rasmiga ah.

Doorashadan oo aheyd mid tijaabo ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay illaa 37,578 qof oo isku diiwaan-geliyey codeynta doorashada, kuwaas oo ka codeeyey illaa 54-goobood.

Si kastaba, Puntland oo la aasaasay kowdii August 1998-dii ayaa dhowr jeer isku dayday qabashada doorasho qof cod ah, walow aysan u suura-gelin, waxaana hadda loo gartay in lagu tijaabiyo degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo dhammaan hoostaga maamulkaasi.