Mareykanka oo XAMAAS ugu baaqay inay aqbalaan hindisaha cusub ee ISRAEL

Riyadh (Caasimada Online) – Xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in Xamaas ay aqbasho hindisaha cusub ee Israa’iil.

Hindisahan ayaa wuxuu ku tilmaamay dalabka “deeqsinimada ah ee aan caadiga ahayn” ee Israa’iil, kaas oo ku saabsan, heshiis xabbad-joojineed oo laga gaadho colaadda Qaza iyo in la sii daayo la haystayaasha Israa’iil.

“Xilligan la joogo, waxa ay sugayaan shacabka Qaza iyo heshiis xabbad-joojineed oo la gaadho waa Xamaas,” ayuu ka sheegay Blinken oo ku sugan Riyadh, isaga oo safar ku gaalaa bixinaya dalalka bariga dhexe, si xal natiijo looga gaadho wadahadalada socda ee la doonayo in lagu soo afjaro dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israa’iil.

Wefti ka socda Xamaas ayaa Isniintii gaadhayey dalka Masar, halkaas oo Qatar ay isku dayayso inay xal u hesho dagaalka Qaza iyo sidii loo sii dayn lahaa maxaabiista xidhan.

Dhinaca kale, Blinken ayaa ka sheegay Riyadh, inay meel gebogebo ah marayso, heshiis dhinaca amniga ah oo ay la gelayaan Sucuudiga, kaas oo la dhamaystiri doono haddii Sucuudigu uu heshiis nabadeed la galo Israa’iil.

Wasiirka ayaa intaas raaciyey in labadii bilood ee ugu dambeeyey ay labada dal, ka wada shaqeeyey hawlo culculus, oo ku aaddan, sidii loo hagaajin lahaa xidhiidhka Israa’iil iyo Sucuudiga.