Maxkamadda London oo go’aan ka gaartay kiiskii JABUUTI iyo DP WORLD

London (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee dhex-dhexaadinta ee magaalada London ee London Court of International Arbitration (LCIA) ayaa go’aan ka gaartay kiiskii ka dhaxeeyay dowladda Jabuuti iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.

Maxkamadda ayaa sheegtay in heshiiskii ay DP World kula wareegtay maamulka dekedda Doraleh ee Jabuuti, oo markii dambe dowladda Jabuuti ay ka baxday uu yahay mid “sharci ah, oo weli taagan”

Dowladda Jabuuti ayaa maamulka Doraleh kala wareegtay DP World bishii Febraayo, kadib muran soo socday illaa sanaddii 2012. DP World ayaa arrintaas ku tilmaamtay mid sharci-darro ah.

“Maxkamadda LCIA waxa ay xukuntay in heshiiska Doraleh uu yahay mid sharci ah oo taagan” waxaa sidaas lagu yiri bayaan kasoo baxay qeybta warbaahinta ee dowladda Dubai, oo aan sheegin goorta go’aanka la gaaray.

“DP World waxaay ka jawaabi doontaa xukunkan, waxayna eegi doontaa waxyaabaha u furan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Jabuuti weli ma aysan ka hadlin xukunka la sheegay inuu dhacay.

Jabuuti ayaa bishii March sheegtay inay diyaar u tahay inay iibsato saamiga ah 33% ee DP World ay ku lahayd Doraleh, si loo soo geba gebeeyo muranka kala dhaxeeya mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn dunida ee maamula dekadaha.

Sidoo kale, 17-kii July, shirkadda laga leeyahay dalka Jabuuti ee maamusha Dekadda Doraleh ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin inay magdhow ka bixiyaan heshiiskii ay ka baxeen ee u dhexeeyay iyaga iyo Shirkadda Dubai Ports World ee laga leeyahay Imaaraadka.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com