Xiisadda Mareykanka iyo TURKIGA oo sii xumaatay kadib go’aanka Washington

Ankara (Caasimada Online) – Turkey ayaa sheegtay inay si xooggan uga soo horjeedo go’aanka dowladda Mareykanka ay cunaqabateynta ku saartay laba sarkaal oo dowladda Turkiga ka tirsan, sababo la xiriira wadaad diinta kirishtanka faafiya oo Mareykan ah, kaasi oo laba sano ku dhow ku xiran Turkiga.

Wasaaradda arrimaha dibedda Turkiga ayaa sheegtay in go’aanka Mareykanka uusan waafaqsaneyn habka dowladeed iyo xeerarka sharciga iyo caddaaladda midna.

Wasaaradda ayaa ku boorisay dowladda Mareykanka inay ka laabato go’aankeeda, waxayna ballan-qaaday inay qaadi doonta tallaabo tan la mid ah oo looga jawaabayo “gardarrada Mareykanka, ayada oo aan dib loo dhigin”

Arbacadii, ayaa wasaaradda maaliyadda Mareykanka waxay ku dhawaaqday xayiraaado ka dhan ah wasiirka caddaaladda Turkiga Abdulhamit Gul, iyo wasiirka arrimaha gudaha Suleyman Soylu.

Labadan mas’uul ayaa waxaa la xayiri doonaa dhammaan hantiada ka taal Mareykanka, waxaana dadka Mareykanka laga mamnuucay inay la sameeyaan wax xiriir maaliyadeed ah.

Gul ayaa kadib go’aanka Mareykanka qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Geed igagama baxo Mareykanka, hal shilinna igama yaalo Mareykanka ama meel ka baxsan Turkiga”.

19-kii July aya a maxkamad ku taalla dalka Turkiga ay amartay in xabsiga lagu sii hayo Andrew Brunson oo ah ninka Mareykanka ah, oo ay dowladda Turkiga ku eedeysay argagixisanimo.

Xiriirka Turkiga iyo Mareykanka ayaa aad u liitay labadi sano ee lasoo dhaafay. Xariga ninkani ayaa qeyb ka ah mugdiga soo kala dhexgalay cilaaqaadka siyaasadeed ee labadani wadan oo ka wada tirsan NATO.

Xaakimka Maxkamadda ayaa armay in dhageysiga dacwadda Andrew Brunson dib loo sii amba-qaadi doono 12-ka bisha October ee sannadkaan.

VOA