Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta la horgeeyay mas’uuliyiin loo haysto musuq-maasuq, gaar ahaan xatooyo xoolo dadweyne, kuwaas oo ay horay usoo xukuntay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Mas’uuliyiinta ay bilaabatay dhageysiga dacwaddooda ayaa ka kala tirsan wasaaradda shaqaada iyo arrimaha bulshada xukuumadda Soomaaliya, wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe iyo hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhammaan eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne.
Qaarkood eedeysanayaashan ayay sii deysay Maxkamadda gobolka Banaadir, laakiin waxaa ka horyimid xukunkaas xeer ilaalinta, ayadoo mar kale isla kiiskan maanta laga furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga saaro go’aan rasmi ah.
Mas’uuliyiinta la amray in lasii daayay waxaa kamid ah Cabdullaahi Suldaan iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo labaduba ah agaasimeyaashii hore ee wasaarada shaqada, waxayna hadda mar kale wajahayaan eed ay garwadeen ka tahay xeer ilaalinta guud ee qaranka.
Sarkaal ka socday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa ka hadlay sababaha ay dooda uga keeneen xukunkii Maxkamadda Gobolka Banaadir, wuxuuna yiri “Xukunkii kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir waxa uu baalmarsan yahay Sharciga iyo Cadaaladda”.
Dhankooda qareenada difaacayay eedeysanayaasha ayaa sidoo kale fadhiga maxkamadda kusoo bandhigay difaacooda, iyaga oo ka horyimid qaabka ay wax u waddo xeer ilaalintu.
“Shaki qof laguma xukumo xeerkaa qabo” ayuu ku dooday Abuukaate Cabdullaahi Dudaaye oo u doodaya eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.
Si kastaba, maxkamadeynta saraakiishaan ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.