Maxkamadda Sare ee S/L oo burisay dacwadii muddo kordhinta ka dhanka aheyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa maanta gebi ahaanba burisay dacwad ay dhowaan u gudbiyeen Siyaasiyiinta ku midoobay Madasha Wada-tashiga, midaasi oo ka dhan aheyd muddo kordhintii loo sameeyay Golahaa Wakiilada Somaliland.

Xasan Guure Jaamac, Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga ee Somaliland oo maanta warbaahinta kula hadlay Maxkamada horteeda, ayaa waxa uu sheegay in Maxkamadda sarre ay burisay dacwadaasi ay dhowaan u gudbiyeen.

Guddoomiye Xasan ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Maxkamadu ay ka jawaabi weyday dacwadoodii ay ku dalbanayeen in Maxkamaddu joojiso go’aanada ay Golaha Guurtidu ay muddo kordhinta ugu sameeyen golaha Wakiilada Somaliland.

Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga ee Somaliland, oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Sida Dadku ogyahay, Dacwad baanu ka soo gudbinay Golaha Guurtida iyo Go’aamadooda, Annagoo arkaynay in jiritaanka uu Golaha Guurtidu uu 20-ka sanadood jiray”.

“Waxaanu u arkaynay in aanay Dastuurka Meelnaba kaga qornayn muddada in taa leeg in la fadhiyaa, xeer kasta oo la sameeyana waxa asal ah Dastuurka, inta Goluhu fadhiyayana Dastuurkaa Xaddiday”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Maxkamaddu markii hore way naga qabatay, laakiin Qaraarkay soo saartay wuxuu noqday oo ay Dacwaddayadii ku burisay Magaca Madasha la yidhaahdo”.

Madasha ayaa dhowaan warqadaasi dacwad ah oo ay u gudbiyeen Maxkamada sarre, hore ugu sheegay in Golaha guurtidu ay jabiyeen qodob Dastuuri ah, isla markaana sifo sharci daro ah u mareen muddo kordhinta Golaha Wakiilada Somaliland.