Maxkamadda Sare ee Yurub oo gaartay go’aan ka dhan ah gabdhaha Muslimiinta

Brussels (Caasimada Online) – Shirkadaha waxay shaqaalahooda Muslimiinta ah ka mamnuuci karaan inay xirtaan qamaarka, xaaladaha qaar, waxaa sidaas Khamiistii xukmisay Maxkamadda sare ee Midowga Yurub.

Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib markii laba gabar oo Muslimiin ah oo ku nool Jarmalka laga joojiyey shaqada kadib markii ay billaabeen xirashada qamaarka.

“Mamnuucista xirashada astaan kasta oo muujineysa siyaasad, aragti ama diin ee goobaha shaqada, waxaa cidda loo shaqeynayo ay cudurdaar uga dhigan kartaa baahida loo qabo argtida muuqaalka qofka ee ay doonayaan macaamiisha, si looga hortago muran dadweyne,” ayey xukmisay Maxkamadda.

Labada gabdhood ee kiiska keenay ayaa waxay mid ka shaqeyneysay xarun lagu hayo caruurta oo ku taalla magaalada Hamburg, halka midda kale ay qasnaji ka aheyd dukaanka dawooyinka ee Mueller ee isla magaaladaas.

Labada gabdood ayaa markii ay shaqada billaabayeen xiran jirin qamaarka, hase yeeshee waxay sidaas go’aansadeen sanado kadib markii ay kasoo laabteen fasax waalidnimo oo ay qaateen.

Waxaa hay’adihii ay u shaqeynayeen ay u sheegeen inaan la ogoleyn qamaarka, waxaana kadib laga joojiyey shaqada, ayaga oo loo sheegay inay qamaarka iska soo dhigaan ama ay raadsadaan shaqooyin kale.

Arrinta xijaabka ayaa sanado badan muran ka dhalineysay Yurub.

Xukun soo baxay 2017, ayey maxkamadda Midowga Yurub ah oo ku taalla Luxembourg waxay ku sheegtay in shirkadaha ay shaqada ka joojin karaan shaqaalaha xirta xijaabka iyo astaamaha kale ee diimeed, marxaladaha qaar.