Shabaab oo maanta werar khasaare geystay ka fulisay magaalada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar qorsheysan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaas oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkan lagu dilay ugu yarana illaa saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, xilli ay ku sugnaayeen bar-control oo ku taalla degmada Dayniile ee magaalada caasimad ah ee Muqdisho.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay inay horey usii qaateen illaa saddex qoray oo AK47 ah, kuwaas oo ay lahaayeen askarta la dilay, sida ay hadalka u dhigtay.

“Mujaahidiinta ayaa weerar cagmarin ah ku qaaday bar koontarool oo kutaal degmada Dayniile, dhimashadu waa sedax askari iyadoona lagasoo qaniimeystay sedax qori” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan weerarkaasi ee ay guulaha ka sheegatay Al-Shabaab.

Kooxdan ayaa inta badan weeraro gaadmo ah, qaraxyo iyo dilal qorsheysan ka fulisa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba dhacdooyinkan amni darro ayaa kusoo aadaya, xilli haatan la qorsheynayo inay Muqdisho ka billowdaan doorashooyinka lagu soo xulayo xildhibaanada Soomaaliya.