Maxuu yahay heshiiska lagu ansixiyey shirkii maanta ee golaha wasiirrada? (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii Khaamiis-laha ahaa ee golaha wasiirrada Soomaaliya maanta waxaa lagu ansixiyey heshiiska Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaas oo ay golaha u soo gudbisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda heshiiska goluhu ay meel mariyeen, waxaa wada gaaray 55-dal oo qaaradda Afrika ah, waxuuna qeexayaa in dhammaan wadamada saxiixay heshiiskan ay meesha ka saaraan caqabadaha ganacsiga, si badeecadaha wadamadaas ay xuduudaha isaga gudbaa, weliba si xur ah.

“Ujeedka aasaaska AfCFTA ayaa salka ku heysa abuuridda hal suuq oo iskaga gudbaan badeecadaha iyo adeegyada ganacsi si xur ah, in la helo dhaq-dhaqaaqa xurta ah ee ganasatada iyo maal-gashadaayasha qaaradda dhexdeeda ah, in la balaariyo ganacsiga gudaha Afrika, iyada oo loo maraayo iswaafajin wanaagsan iyo isu-duwidda xoreynta ganacsiga, Fududeynta ganacsiga iyo Kobcinta tartanka warshadaha iyo heerarka shirakadaha” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bishii Janaayo ee sanadkii 2012-kii fadhi ay isugu yimaadeen Madaxda wadamada ku bahoobay midoowga Afrika, shirkoodii 18-aad oo ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, waxaa lagu ansixyay in la aas-aaso Aagga Ganacsiga Xorta ah ee qaaradda Afrika (AfCFTA).

“Soomaaliya oo ka faa’iideysaneysa AfCFTA waxay fursad u heleysaa in waxyaabaha gudaha laga soo saaro ay caqabad la’aan ugu iib geyso qaaradda dhexdeeda, inay marti geliso maal gashadayaasha, inay isku xirto ganacsiga iskaga gooshaya koonfurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika ayaga oo marin ka dhiganayaa biyaha badweynta Hindiya, Ganacsi abuur iyo in si dhameestiran looga faa’iido soosaaridda kheyraadka dalka, si oo iibgeeyo” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda.

Dhanka kale kulankii maanta ee golaha wasiirrada waxaa looga hadlay amniga dalka iyo xaaladda cudurka COVID-19, waxaana shir guddoominayey sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed.