Imaaraadka iyo Israel oo gaaray heshiis taariikhi ah oo ay ku yeelanayaan xiriir

Washington (Caasimada Online) – Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa maanta gaaray heshiis nabadeed oo taariikhi ah, oo uu fududeeyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo labada dal ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in Israel ay joojiso qorshihii ay ku goosaneysay qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed.

Heshiiskan ayaa waxaa maanta lagu gaaray wada-hadal taleefon oo ay yeeseen madaxweyne Trump, ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed Bin Zayed.

“Horumar weyn ayaa dhacay maanta. Heshiis Nabdeed oo taariikhi ahoo ay gaareen laba ka mid ah saaxiibadeena ugu weyn ee Israel iyo Imaaraadka Carabta,” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter-ka.

Saraakiisha ayaa sheegay in heshiiskan loogu magac daray Abrahams Accord, waana kii ugu horreeyey ee noociisa ah tan iyo heshiiskii nabadeed ee ay kala saxiixdeen Israel iyo Jordan 1994-kii.

Heshiiskan ayaa wuxuu Trump siinayaa guul siyaasadeed arrimaha dibedda ah oo weyn, xilli uu raadinayo in dib loo doorto 3-da bisha November.

Bayaan ay si wadajir ah usoo saareen saddexdan dal ayaa lagu sheegay “inay si buuxda isugu raaceen in Israel iyo Imaaraadka Carabta ay caadiyeeyaan xiriirkooda.”

Wufuud ka kala socota Israel iyo Imaaraadka Carabta ayaa kulmi doona maalmaha soo socda si ay u saxiixaan heshiisyo quseeya dhinacyada maal-gelinta, dalxiiska, duulimaadyada tooska ah, amniga, isgaarsiinta iyo arrimo kale, sida lagu sheegay bayaanka.

Waxaa sidoo kale la filayaa in labada dal ay dhowaan isdhaafsadaan safiiro iyo safaarado laga kala furo laba caasimadood.

Bayaanka ayaa intaas ku daray “natiijada heshiiskan dartiis, codsiga madaxweyne Trump iyo taageerada Imaaraadka Carabta, Israel waxay hakin doontaa inay madax-banaanideeda ku dabaqdo qeybo ka mid ah Daanta Galbeed.”

Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya dalkii saddexaad oo Carbeed oo xiriir diblomaasiyadeed la yeeshay Israel, kadib Masar iyo Jordan, iyo dalkii ugu horreysay oo ka tirsan Khaliijka.