Qaar ka mid ah shaqaalihii xafiiska Kheyre ‘oo dib loo furtay’ emailadooda shaqada markii ay shaqada ka tageen

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan E-maillada afar qof oo kamid ahaa masuuliyiintii ugu dhowaa ra’iisul wasaarihii xilka laga tuuray ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa dib loo furay, iyada oo la billaabay in farriimo laga diro, lagalana dego xogta xiriirradii ay mas’uuliyiintaas sameeyeen, sida ay sheegeen qaarkood.

Agaasimahii warbaahinta iyo xiriirka Calinuur Salaad ayaa shaaciyay inay la soo xiriireen dad farriimo looga diray e-mailkiisii hore ee shaqada iyada oo magaciisa la isticmaalayo.

“Waxaa isoo gaaray in E-mailkaygii shaqada xafiiska ra’iisul wasaaraha xiriirro laga sameynayo iyada oo magacayga la isticmaalayo, sidaas darteed E-mail kasta oo alinur@opm.gov.so kaaga yimid kadib 30.07.2020 waxaa soo diray koox isu key ekeysiineysa oo xirfad xumadoodu halkaas gaarsiisay,” ayuu bartiisa Twitter-ka ku soo qoray Calinuur.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in maalintii shalay ahayd ku simaha Xoghayaha joogtada ah ee Xafiiska ra’iisul wasaaraha uu wasaaradda isgaarsiintaka codsaday in maamulka e-maillada lagu soo wareejiyo, kadibna ay la wareegeen.

E-mailladii Xogahaya joogtada ahaa, Axmednuur Maxamed, La taliyihii Kheyre Samiira Qaacid iyo agaasimihii warfaafinta Calinuur Salaad oo dhamaan ku dhowaa Kheyre ayaa dib loo furtay. E-maillada ayaa hawada laga saaray markii ay shaqada ka tageen, balse sababta keenta in dib loo adeegsado ayaanan wali caddeyn

Inta badan E-maillada rasmiga ah ee dowladda laguma wadaago xog xasaasi ah, balse walaaca ayaa yimid kadib markii E-maillada lagala xiriiray mas’uuliyiin kale, taas oo abuurtay jahwareer.

Isticmaalka E-maillada wata summadda Dowladda waxaa la billaabay 2010 waxaana gacanta ku hayay Wasaaradda Isgaarsiinta oo dhistay nidaam lagu kalsoonaan karo, sida uu qoraalkiisa ku sheegay Calinuur Salaad.