Farmaajo iyo Gebeyehu oo isku raacay wax ka bedelka xiriirka diblomaasiyadeed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Ethiopia Workneh Gebeyehu, ayaa ka hadlay isbedelka ku imaaday xiriir Siyaasadeedka Ethiopia kala dhexeeya Somalia.

Wasiir Workneh Gebeyehu oo la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in isbedelka jira uu yahay mid muuqda isla markaana uu meel wanaagsan maraayo xiriirka kala dhexeeya Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Ethiopia ay ku taameyso in meel wanaagsan uu gaaro xiriirka waxa uuna dhankiisa ka ballanqaaday inay adkeeyan xiriirka diblumaasiyadeed ee kala dhexeeya Somalia.

”Qorshaheenu waxa uu yahay in kor loo qaado siyaasada Ethiopia kala dhexeysa Somalia, waayo waxeynu nahay laba dal oo jaar ah oo si naba aan u kala maarmin”

Wasiir Workneh Gebeyehu oo sidoo kale la kulmay dhigiisa Somalia Yuusuf Garaad ayaa sheegay inay ka caawin doonaan hanaanka diblumaasiyadeed, Tababarada iyo Sameynta xiriir ka wanaagsan kan hadda ka dhex jira labada Wasaaradood.

Workneh Gebeyehu, ayaa dhigiisa Somalia u ballanqaaday inay muujin doonaan isbedel dhanka Siyaasada dibadda, si buu yiri ay isku waafaqaan labada Siyaasadood.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa dowlada Ethiopia ku tilmaamay saaxiib garab u ah Somalia, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay adkeyn doonaan xiriirka kala dhexeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
Caasimada@live.com