Maamulka Banaadir oo kafaalo qaaday waxbarashada carruurtii aabayaashood ku waayey qaraxii Soobe

Muqdisho (Caasimadda Onine) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay inuu kafaalo qaaday waxbarashada ardaydadii Aabayaashood ku waayey qaraxii musiibada ahaa ee 14 Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee hadda loo bixiyey ( 14 October).

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inuu booqday qaar ka tirsan qoysaskii dhibka ay kasoo gaartay Musiibadii 14 October.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu si gaar ah Mas’uuliyad isaga saaray inaysan waxbarashada ka istaagin ardaydii aabayaashood ku waayey qaraxaas.

Guddoomiyaha ayaa xusay inay la xiriireen Iskuulada ay dhiganayeen ardaydaas, ayna ku wargeliyeen in Maamulka Gobolka Banaadir uu kafaalo qaaday waxbarashadooda.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho inay ka qeyb qaataan garab istaagga Carruutaas si loo badbaadiyo mustaqbalkooda.

Guddoomiyaha oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa yiri:

” Waxaan maanta soo booqanay qaar ka mid ah qoysaskii dhibta ay ka soo gaartay masiibadii 14ka October. Waxaan si gaar ah mas’uuliyad iskaga saarnay in waxbarashada caruurtaas aysan istaagin. Waxaan la xiriirnay Iskuulladooda si aan ugu wargelino in aan kafaalad qaadeyno waxbarashadooda. Fadlan ka qeybqaata garab-istaagga walaalihiina si mustaqbal leh”

Qaraxii Soobe ayaa waxaa la sheegay inay ku dhinteen ku dhawaad 400 oo qof halka tiro kale oo intaas aan ka yareyna ay ku dhaawacmeyn, wuxuuna noqday midkii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com