Madaxweyne Trump oo ka oohiyey gabar madow ah oo uu ninkeeda dhintay

Carmalad uu ka dhintay askari Ameerikaan ah ayaa sheegtay in Donald Trump uu xusuusan kari waayey magaca ninkeeda markii uu u soo diray telefoon si uu ugu tacsiyeeyo.

Myeshia Johnson oo ah carmaladdii uu ka dhintay laba alifle La David Johnson ayaa u sheegtay ABC News in codka “hubaal a’aantu” ka muuqatay iyo siiqada “ay ka oohisiisay”.

Laakin madaxweyne Trump wuxuu sheegay in isagoo aan ka laba-labaynin uu ku dhawaaqay magaca laba alifle Johnson oo ay Niger ku dileen mintidiin islaamiyiin ah bishan.

Telefoonka tacsida ee madaxweyne Trump ayaa wararka caalamka ku jiray markii haweeneyda xisbiga Dimoqraadiga ka tirsan ee Koongareeska ku jirta, Federica Wilson, oo reerka la dhegeysanaysay, ay ku eedeysay inuusan kala jeclayn.

Myeshia Johnson waxay u muuqatay mid xaqiijinaysa hadalkii Ms Wilson ee ahaa in Trump uu sheegay in odaygeedu uu ogaa hawsha ka horraysa markii uu qoranayey shaqada milateriga.

“Haddii saygaygu uu u dagaallamay dalkan oo uu naftiisa halis u galiyey, maxay tahay sababta aadan u xusuusan karin magaciisa?” ayey tiri

Sidee Donald Trump u jawaabay?

Madaxweyne Trump wuxuu isku difaacay Twitter, “waxaan wadahadal xushmad ku dheehan tahay la yeeshay carmaladdii laba alifle La David Johnson, waxaanan sheegay magaciisa billowgiiba anigoo uusan shaki iga gelin” ayuu yiri.

Wuxuu ku gacan sayray hadalkii Ms Wilson oo uu ku tilmaamay “mid la been abuuray”.

Maxay Yiraahdeen dadka Trump eedeeya?

Federica Wilson waxay u sheegtay WPLG oo ah TV ku yaalla Miami inay maqashay hadallada “aan dareenka lahayn” ee madaxweynuhu uu telefoonka ku sheegay.

Waxay ku eedeysay inuu ka oohiyey Myeshia Johnson. Laba alifle Johnson hooyadiis, Cowanda Jones-Johnson ayaa iyana u sheegtay wargayska Washington Post in madaxweyne Trump “uu sharaf dhac ku sameeyey wiilkeeda”.

Sidee buu murankan u billowday?

Laba alifle Johnson wuxuu ka mid ahaa afar askari oo ka mid ah askarta sida gaarka ah u tababaran ee Maraykanka oo dhuumalaysi lagu dilay dalka Niger 4tii Oktoobar. Mr Trump waxaa lagu dhaliilay inuusan la xiriirin qoysaskii ay askartu ka dhinteen, isla markii la dilay.

Wuxuu ku jawaabay inay been tahay oo raggii isaga ka horreeyey sida Obama iyo madaxweyneyaashii kale aysan telefoonno u dirin qoysaskii ay askartu ka dhinteen.

Xiisaddu waxay cirka isku sii shareertay markii uu Mr Trump farta ku fiiqay in taliyihii ciidanka, Jeneraal John Kelly, markii wiilkiisa lagu dilay Afgaanistaan uusan telefoon ka helin madaxweyne Obama.