4 arrin oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato doorashada ku celiska ah ee dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa dalka Kenya ka taagan xiisad iyadoo lagu wado in Khamiista ay dalkaasi ka qabsoonto doorashada madaxweynaha oo ku celis ah.

Xisbiga mucaaradka Kenya ee uu hoggaamiya Raila Odinga oo isaga baxay tartanka ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay inay dalka oo dhan ka dhigaan dibedbaxyo maalinta codbixinta ee 26 Oktoobar. Wuxuu rabaa in doorashada dib loo dhigo si dib u habayn loogu sameeyo guddiga doorashooyinka.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa dhankiisa ku adkeystay in doorashada la qabtaa wakhtigii loo asteeyay.

Waxaa jira warar sheegaya in ciidammo dheeraad ah loo diray glbeedka Kenya gaar ahaan deegaannada ay ku xooggan yihiin taageerayaasha mucaaradka.

Deegaanadaasi waxaa ka dhacay rabshado isbuucyadii la soo dhaafay.

Waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa afar arrimood oo ku saabsan doorashadan ku celiska ah ee lagu muransan yahay.

Odinga oo ka baxay doorashada

10-kii bishan Oktoobar Mr Odinga ayaa sheegay inuusan ka qeyb qaadan doonin doorashada ku celiska ah isagoo ku dooday inaysan noqon doonin mid u qabsoonto si xaq iyo xor ah.

Maxkamadda ugu sarreysa Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday doorashadii dhacday 8 bishii Agoosto oo ay hareeyeen khaladaad badan. Odinga oo dacwadaasi maxkmadda geeyaya ayaa ku dooday in aan codbixin kale lagu noqon karin iyadoo aan dib u habayn lagu sameynin guddiga doorashada.

Odinga wuxuu rajeynayaa in maxkamadaha ay joojin doonaan doorashadan oo ay ku dhawaaqi doonaan in doorasho hor leh la qabto.

Isbaheysigiisa NASA ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobanaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.

Guddi aan diyaarsaneyn

Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay ‘qeyb ka noqoshada’ doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.

Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho ‘macquul ah’ la qabto.

”Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qaran ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka”, ayuu yiri Wafula Chebukati.

Caqabadaha tasiilaadka

Waxaa jira shaki ballaaran oo ku aaddan in saraakiisha doorashada ee Kenya ay ka gudbi karaan caqabadaha waaweyn ee dhanka tasiilaadka ah, si ay u dhacdo doorashada kuceliska ah ee ay amartay maxkamadda ugu saraysa dalka.

Warqadaha codbixinta ee doorashada kuceliska ah ayaa soo gaaray dalka, waxaana taasi ay muujinaysaa suuragalnimada ah inay qabsoomi karto doorashada lagu wado inay dhacdo Khamiista.

Talaadada maanta ah ayaa la filayaa in qeybta ugu dambeysa ee warqadahaasi ay soo gaaraan Kenya.

Xasarad dastuuri ah

Sida ay amartay maxkamadda ugu saraysa dalka ee laashay natiijada doorashadii madaxtinnimo ee dhacday August, guddiga waa inuu doorasho cusub qabtaa ka hor 1-da bisha Nofeember.

Haddii xilligaasi lagu qaban waaya, Kenya waxay galaysaa xasarad dhanka dastuurka ah. Ma cadda sida xal loogu heli karo dhibaatadaasi.

Garabka madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa doonaya inay doorasho dhacdo, si kastaba halagu qabtee.

Xubnaha baarlamaanka ayaa meelmariyay isbedel lagu samaynayo sharciga doorashada, kaasoo si toos ah guusha ugu wareejinaya musharraxa ku soo hara tartanka, haddii kan la tartamaya uu ka haro doorashada madaxtinnimo ee ku celiska ah.