Mdaxweynayaashii hore iyo hoggaanka Mudulood oo kulan xasaasi ah yeeshay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay hoggaanka dhaqanka beesha Mudulood, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madasha Xisbiyada Qaran ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble, iyada oo ay dhanka dhaqanka goob-joog ahaayeen Imaam Maxamed Yuusuf iyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Intiisa badan waxaa kulanka diirada lagu saaray sidii uu u qabsoomi lahaa shirka Beesha Mudulood oo uu qorshihiisu yahay in la qabto 13 bishan July ee 2020-ka.

Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa hoggaanka dhaqanka kala hadlay sidii uu shirweynahaasi uu noqon lahaa mid mira dhal ah oo ay ka soo baxaan natiijo wax-tar u leh aayaha beesha iyo degganaanshiyaha magalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo hadal qaaday xaalada guud ee dalka gaar ahaan doorashooyinka la filayo in la qabto dhammaadka sanadkan 2020 illaa 2021-ka.

Imaam Maxamed Yuusuf oo madasha ka hadlay ayaa xusay inay ku howlan yihiin qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka, wuxuuna u mahadceliyey Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo qeyb ka qaadanaya qabsoomida shirkaas oo uu horey dib u dhac ugu yimid.

Si kastaba ha’ahaatee shirweynaha Mudulood ayaa ku soo aadaya, xilli dhowaan Golaha Shacabka Somalia uu meel-mariyey xeerka matalaadda gobolka Banaadir oo ay muddo tabasho muujineysa beesha, kaas oo 13 kursi ku yeelan doono Golaha Aqalka Sare.