Dr. Cali Waare: “Ma aanan sugayn abaalmarintaas, filan-waa ayeey igu noqotay..”

Amsterdam (Caasimada Online) – Dr. Cali Waare waa Guddoomiyaha dalladda “Isutagga ururada Soomaalida  Nederlands” dalladaas oo magaceeda loo soo gaabiyo FSAN, ayna ku middeysan yihiin 65 ururo Soomaali ah oo ka dhisan dalka Holland.

Dr. Cali Waare, ka sokow inuu yahay mas’uulka  ugu sarreeya  jaaliyadaha Soomaalida, haddana waa shaqsi mushtamaca dhexdiisa muctarif ka ah, isaga oo sidoo kale mar sii horaysay noqday Guddoomiyaha ururka SOMVOA oo ka mid ah ururada ugu faca wayn ee Soomaalidu leedahay, kana dhisan Magaalada Amsterdam.

Waraysi, Dr. Cali Waare aan la yeeshay ayaa u dhacay siddatan:- 

SU’AAL: Dorraad waxaa lagu guddoonsiiyey abaalmarin ay bixiso boqortooyada dalkan, ma inoo faahfaahin kartaa sababta abaalmarintaasi aad ku muteysatay.?

CALI WAARE: Aniga laftigeyga ma aanan sugayn abaalmarintaas, filan-waa [verrassing] ayeey igu noqotay, qofka billadaas la guddoonsiinayo waa inuu 20 sanno iyo in ka badan u soo shaqeeyay bulshada, mana aha in qofku hal xirfad ama hal shaqo keliya uu soo qabtay, waxaa lagugu qiimeynayaa in shaqooyinka aad soo qabatay ay noqdaan kuwa taabanaya quluubta iyo nolosha dadka. Shuruudaha abaalmarinta aad ku mudaneyso  waxaa kale oo ka mid ah; in uu si hagaagsan u gutay waajibaadkaasi shaqo oo aanu dadkana kala faquuqi jirin, waxaa la sameynayaa  baaritaan dheer oo  waxaa la soo baarayaa intii sanno ee aad dalkan joogtay howlihii aad soo qabatay, dadkii aad la soo shaqeysay, markaas kaddib ayuu boqorku saxiixayaa. 

SU’AAL: Dalladda FSAN ma waxay wakiil ka tahay oo afkooda ku hadashaa 65-ta urur ee dallada ay ku mideysan tahay mise waxay wakiil ka tahay guud ahaan mushtamaca Soomaalida ee dalkan ku dhaqan.?

CALI WAARE: FSAN ururadu xubno ayeey ka yihiin, dalladu had iyo jeer waxay ka shaqeysaa danaha iyo masaaliixda dadka Soomaaliyeed ee  dalka Holland dagan. Ururada FSAN ku middeysan  waa ururo “local” ah  oo Magaalooyinka ay dagan yihiin ku sii caawiya dadka, isku xirana  bulshada Magaalooyinkaasi dagan ee Soomaalida ah, iyaga oo metelaya FSAN. 

SU’AAL: Marka la is barbar dhigo ururkii SOMVOA ee fadhigiisu ahaa Amsterdam,  iyo dalladda FSAN oo ah dallad mideysa 65 urur, dad badan waxay ictiqaadsan yihiin in SOMVOA ay ka caansantahay FSAN, maxay tahay sababta ayeey kula tahay.?

CALI WAARE:  SOMVOA waxa uu ahaa urur ka jiray Amsterdam iyo agagarkeeda, waqti dheer ayaa laga joogaa xilligii la aasaasay, wuxuuna ku jiraa dallada oo uu u qaabilsanaa arrimaha Amsterdam iyo agagaarkeeda, maadaama uu lahaa dhismo weyn oo dadka lagu wacyigelin jiray, laguna qaban jiray shirarka; sidoo kale wuxuu lahaa masjid lagu tukado, taas ayaa laga yaabaa inay ka dhigtay inuu magac ahaan sidaas u waynaado.

SU’AAL: Dhowr sanno ka hor FSAN iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda Nederlands waxaad iska kaashateen mashruucii Brain gain, oo dad aqoonyahanno ah loo kala diray Muqdisho, Somaliland, Puntland & Jubbooyinka,  waxaa jira dad saluugsanaa habkii aad u qaybiseen tiradii loo diray Magaalooyinkaas, oo tusaale ahaan; Somaliland iyo Puntland aad u dirteen min 6 qofood, halkii aad Muqdisho uga dirteen 3 xubnood, habkee ku saleeyseen qaybinta xubnahaasi.?

CALI WAARE: Mashruucaas waxaa iska kaashaday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Nederlands iyo FSAN, wuxuu ahaa mashruuc tijaabo ah oo 20 qof in ka badan ayaa ku baxday, waxaa loo sameeyey shuruudo  qofkii soo buuxiya uu ku bixi karo, cid kasta oo shuruudihii la sameeyey  soo buuxisay, nasiibkeeduna uu noqday ayaa ku baxday, dadkaasna Magaalooyin kala duwan ayaa loo diray. Ujeedkiisu wuxuu ahaa  in dadka Soomaalida  ee dalkan wax ku bartay  fursad loo siiyo in wixii ay bartaan ay dadkooda ku celiyaan, tusaale ahaan; qofkii bartay  caafimaadka, sharciga iyo wixii la hal-maala, barnaamijkaas wuxuu noqday miradhal.

SU’AAL: Waxaad la socotaa in jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Zwolle iyo nawaaxigeeda   ay 2 garab u kala jabeen, Guddi uu madax u yahay  C/qaadir Nuune  iyo Guddi uu  hogaamiye Axmed Hayaan, idinku ma isku daydeen inaad 2daasi dhinac u kala dabqaadaan.?

CALI WAARE:  Jaaliyadda Zwolle iyo nawaaxigeeda waa jaaliyad aad iyo aad u firfircoon oo magac iyo muuqaal ku leh Soomaalida dhexdeeda marka loo fiiriyo jaaliyadaha kale, mar way na soo gaartay inuu jiro khilaaf, sababtuna waa wax la dareemi karo, oo dadku marka ay ka wada shaqeynayaan danta guud waa laga yaabaa in qofba dhinac ka arko, markii dambe waxaan maqalnay in khilaafka la xaliyay haddii na loo baahdo annagu  diyaar ayaan u nahay inaan qayb ka noqono, waxaanse rajaynayaa in Nuune iyo team-kiisa ay ku filan yihiin.

SU’AAL: Waxaa jira dad badan oo  qaba in adiga iyo shaqsiyaadka kale ee dalladdan mas’uuliyadeeda muddada dheer soo hayay in la joogaa xilligii  dhalinyarada dalkan wax ku bartay aad fursad siin lahaydeen, maxaad ka oran lahayd doodaas.?

CALI WAARE: Aad iyo aad ayaa u jeclahay dhalinyarada dalka wax ku bartay in runtii lagu soo xiro dallada ayna noqdaan kuwii dadka hada jooga bedeli lahaa, FSAN waxay fursad u siisay dhalinyarada wax ka baraneysa jaamacadaha in ay ku mari karaan xafiisyadeena  khibrad shaqo, waxaanna halkaas joogta Zahra Naaleeye. 

Dr. Cali Waare, maadaama  xilka guddoomiyenimada dalladda FSAN aad 2 goor soo qabatay, marka aad xilkaasi banayso maxaa lagugu xasuusan doonaa.? Muxuu noqon doontaa [Legacy] aad ka tagto.?

CALI WAARE: Dadka Soomaalida ah ee aan soo wada shaqeynay ayaa su’aashaasi jawaabteeda u daynayaa, aniga had iyo jeer waxaan jeclahay in dadka Soomaalida ah ay noqdaan dad isku tolan, is caawiya, Soomaalidnimadu ay noqoto hankeena ugu sareeya,  si kasta oo aan u kala aragti duwanahay in qof waliba aragtidiisa lagu ixtiraamo, in aynu ka wada qayb qaadano dib u dhiska dalkeenii, waddankan aan ku noolnahay inaan bulsho ahaan sumcad wanaagsan ku yeelano.

Cabdishakuur Cilmi Xassan
E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com