Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalkii Buuhoodle iyo war culus oo laga soo saaray

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa saacadihii u dambeeyay ee maanta deganaan laga soo sheegaya deegaano ka tirsan Buuhoodle iyo Saaxil oo maalmihii u dambeeyay uu ka socday dagaal beeleed.

Dagaalkaasi oo u dhaxeeyay beelo wada dega deegaanadaasi, ayaa daba socday colaado soo jiitamayey muddo sanado badan ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Qaar kamid ah xildhibaanada golaha baarlamaanka Somaliland ayaa maanta soo saaray baaq nabadeed ku aadan xiisada labada beelood ee kasoo cusboonatay deegaano ka tirsan gobolka Saaxil iyo Buuhoodle.

Xildhibaanadaasi ayaa si wada-jir ah ugu baaqay in la joojiyay dagaalka uu dhiiga badan ku daadanayo ee ka dhaxeeya beelaha walaalaha ah, isla markaana laga shaqeeyo nabadeynta.

Xildhibaan Cawil Cismaan Dawiil, Cabdixakiin Cumar Faarax iyo Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa sheegay in xiligan la joogin waqtigii dirirta iyo colaadaha, balse la joogo waqtigii horumarka laga wada-shaqeyn lahaa.

Sidoo kale waxa ay bogaadiyeen xildhibaanadaasi cuqaasha iyo waxgaradka qeybta ka ah daminta colaadahaasi, iyagoona Alle uga baryaya inuu ku guuleyso nabadeynta ay ka dhex-wadaan labada beel ee walaalaha ah.

Xildhibaanada ayaa ugu dambeyntiina beelaha deeganadaasi ku dagaalamaya ujeediyay inay ka joogsadan dhiiga ay maalinkasta sida maalayacniga u daadinayan, isla markaana xiisada taagan ay ku dhameeyan wada-xaajood.