Meeqa saac ayuu maanta Farmaajo la wareegayaa Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maanta waa maalintii lagu ballansanaa inuu madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la wareego taliska madaxtooyada sidoo kalana la sagootiyo madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa xarunta saakay si xooli ah uga socdo diyaar garowga loogu jiro sidii ay si habsami leh ugu dhici laheyd xil wareejintaas.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo hadda ku sugan Hotel Jazeera ayaa la filayaa inuu 9:30 subaxnimo waqtiga Muqdisho si rasmi ah u wajaho xarunta madaxtooyada oo lagu qaban doono xaflad aad loosoo agaasimay.

Madaxweynaha iyo gacan hayayaashiisa ayaa hadda diyaar garow ka wado Hotelka Jazeera si ay halkaas uga soo guuraan una imaadaan halka Soomaaliya looga arrimiyo.

Madaxweynaha cusub ayaa waxaa horyaal shaqooyin badan waxayna shacabka indhaha ku hayaan madaxtooyada iyo waxa ka imaan doono.

Shaqada ugu horreyso ee uu madaxweynaha qaban doono waa inuu soo magacaabo Ra’isulwasaaraha cusub oo ay ku tartamayaan shaqsiyaad badan oo kasoo kala jeedo qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socod siin doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com