Sawirro: Xog dheeri ah oo laga helay gaadiidii iyo hubkii lagala baxay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku saabsan daadgureyn lagu hayo Hantida Qaranka ee ku jirta Madaxtooyada Somalia tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Hantida lagala baxay Madaxtooyada Somalia ayaa waxaa ugu badan Gaadiid nooca Madaxda oo dhawaan loogu deeqay Dowlada Somalia kuwaa oo ku xareysnaa Garaashka weyn ee Madaxtooyada Somalia.

Gaadiidka lagala baxay Madaxtooyada ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin kuwa aanu xabada karin iyo Gaadiidka Gaashaaman kuwaa oo tirro ahaan kor u dhaafaya 9 Gaari oo aan horay loo isticmaalin.

Gaadiidka lagala baxay keydka Gaadiidka Madaxtooyada ayaa waxaa kamid ah Gaadiidkii Jun 5, 2014 ay Dowlada Imaaraadka ugu deeqday Dowlada Somalia oo lagu wareejiyay Madaxtooyada Somalia kuwaa oo ah nooca aanu abadu karin.

Gaadiidka la daabusha ayaa waxaa sidoo kale kamid ah nooca loo yaqaan Cabdi-bilaha oo Dowlada Imaaraadka ay bixisay June 10, 2015, waxaana Gaadiidkaasi ku jiray nooca raaxada oo ay Xabadu karto.

Hantida lagala baxay Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Hub noocyo kala duwan leh oo laga soo saaray Bakhaarka Keydka Hubka ee ku dhexyeel Madaxtooyada Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in arrintan ay ku lug leeyihiin xubno ku dhow Xasan Sheekh, saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo la sheegay in madaxtooyada ka tirsan yihiin kuwaa oo baqdin ka qaba inay meesha ka baxaan xil wareejinta kadib.

Hanti dhowrka Qaranka ayaa arrintaani afka ka qabsaday sababo la xiriira amaankiisa, waxa ayna dadka ku howlan diyaarinta Munaasabada xil wareejinta, Caleemasaarka iyo kuwa sida gaarka ula shaqeeya Madaxweyne Farmaajo ficiladaani ka muujinayaan dhaliil.

Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo oo aan si rasmi ah u saldhigan ayaa qudhiisa arrintaani ka muujinaaya dhaliil, inkastoo uusan awoodin inuu ka hordhaco.